Ciidamada booliska Somalia ayaa howlgal ka dhacay magaalada Muqdisho ku soo qabtay koox la sheegay inay ka tirsan yihiin Al-shabaab.
Ciidamada ayaa gacanta ku dhigay labo ruux oo hubeysan, kuwaasoo ku sugnaa Guri ku yaalla degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho, waxayna saraakiisha Booliska sheegeen in xogta lagu soo qabtay xubnahan ka tirsan Al-Shabaab ay bixiyeen dadka degaanka
Kooxdan oo ka kooban labo nin ayaa laga qabtay guri ku yaalla Xaafadda Buulo eelay ee degmada Waaberi. Waxaa kaloo la qabtay Qori AK 47 ah oo raggaan la sheegay inay isticmaalayeen.
Saraakiisha ayaa sheegay in raggan ay  shaqaaleysay Alshabaab uu midkood hore uga tirsanaan jiray Ciidanka dowladda.
Guddoomiye ku-xigeenka dhinaca amaanka iyo Siyaasadda maamulka gobolka Banaadir Mohamed Abdullahi Tuulax ayaa bogaadiyey shacabka degmada Waaberi talaabooyinka geesinimada leh ee ay qaadeen iyo sida ay ula shaqeynayayaan ciidamada amaanka.
“Shalay waxaa degmada waaberi lagu dilay Allaha unaxariistee Marxuum Maxamed C/xakiin shiiqeey oo ahaa xoghaye waaxeed degmada waaberi labadii qof ee dilka gaystay qof ka mid ah waxaa gacanta ku dhigay oo qabtay shacabka degmada waaberi iyagoo kadib ku soo wareejiyay laamaha amniga waxaana lagu sameen doonaa baaritaan si loo mariyo sharciga sidoo kale waxaa hawlgal ay tilmaantooda lahaayeen shacabka degmada waaberi laga sameeyay guri ku yaalla degmada kaas oo lagu soo qabty laba qof oo hubaysan oo qof kamid ah uu qirsan yahay inuu shabaab yahay, Waxaan amaan iyo bogaadin mudan shacabka degmada waaberi oo runtii muujiyay wada shaqayn iyo inay amniga degmadooda wixii khalkhal ku ah ay gacantooda ku qabtaan” ayuu yiri M Tuulax.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com