Dowladda Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ku xirtay maamulada afar isbitaal oo kamid ah kuwa waa weyn ee kuyaalla magaalada Muqdisho , kaddib markii isbitaaladaasi diideen in bukaannada u yimaada dul saaraan lacagta candhuurta ah iibka.
Maamulayaasha afartan isbitaal ayaa la sheegay in muddo saddex maalin ah lagu xiray saldhig kuyaalla magaalada Muqdisho, waxa ayna ciqaabtaasi u marayeen in ay u tureen shacabkii ay aheyd in ay helaan adeeg caafimaad oo lacag la’aan ah , balse lacagtii shacabka haddana lasii saaray canshuur.
Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaana lacag canshuur dheeraad ah kusoo rogtay goobaha ganacsi iyo xarumaha caafimaadka, waxaana taasi dhibaato kusii noqotay dadkii danta yaraa ee markii hore lacag la’aanta ka cabanayay iyo shiidka .
Dowladaha caalamka ka jira ayaa dadkooda ka qaada canshuur , waxa ayna taasi baddelkeeda dadku siiyeen adeegyo caafimaad oo lacag la’aan ah iyo waxbarasho, balse Soomaaliya iyada oo aysan ka jirin adeegto dowladda bixiso ayaa hadda isbitaaladii lacago canshuur ah la duldhigay dadka bukaannada ah.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com