Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed , ayaa sheegaya in xalay weerar bambaano lagu qaaday guryo kuyaalla magaaladaasi oo ay degan yihiin saraakiil ciidan oo katirsan maamulka Koonfur Galbeed.
Sida aan wararka ku helnay labo weerar oo loo adeegsaday bambooyinka gacanta laga tuuro ayaa lagu qaaday labo guri oo kuyaalla magaalada Baydhabo, waxaana weerarka kaddib goobtaasi si deg deg ah uga baxsaday raggii weerarka fuliyay.
Guryaha bambaanooyinka lagu tiuuay ayaa la sheegay in xilliga weerarka ka dhacayay ka maqnaayeen saraakiishii bartilmamaeedka ahaa, waxaana guryahaasi ku sugnaa xubno katirsan ehekada saraakiisha iyo sidoo kale ilaalada guryahaasi.
Khasaaro dhaawacyo ah ayaa lasoo sheegayaa in ay ka dhasheen weerarka bambaano ee xalay ka dhacay magaalada Baydhabo, ciidamada ammaanka ayaana sameeyay howlgallo ka dhan ah kooxdii ka dambeesay weerarka bambaano.
Magaalada Baydhabo oo kamid ah magaalooyinka muddooyinkan ugu ammaanka roon dalka, ayaa mararka qaar waxaa ka dhaca weeraro ay geestaan kooxda Al Shaaab , waxaana weeraradaasi mararka qaar waxyeelo kasoo gaartaa dad shacab ah.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com