Allbanaadir.com
NEWS

Shir Xasaasi ah oo laga yeeshay saameynta Canshuurta cusub ku yeelatay Isbitaalada

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda XFS ahna kusimaha Wasiirka, Mudane Cabdiqafaar Cilmi Xaange iyo Agaasimaha Guud ee Dakhligai ayaa shir muhiim ah xarunta Wasaaradda Maaliyadda waxa ay kula qaateen maamulayaasha iyo agaasimeyaasha Isbitaalada Muqdisho qaarkood.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sida canshuurta gadista ay u saameysay adeegyada caafimad ee ay bixiyaan Isbitaalada magaalada iyo in dowladda ay siiso tixgalin gaar ah xarumaha caafimadka si lamid ah wadamada ku bahoobay Bulshada Bariga Africa.

Masuuliyiintii Wasaaradda Maaliyadda ee kulanka goobjooga ka ahaa ayaa dhankooda balanqaaday in ay howshan si cilmiyeysan u eegayaan, iyada oo la siinayo bahda caafimaadka tixgalinta ay mudanyihiin, kulankuna waxa uu ku soo dhamaaday is-afgarad.

Canshuurta gadista ee lagu soo rogay ganacsatada ayaa waxaa qeyb ka ah isbitaalada kuyaalla magaalada Muqdisho, iyada oo xusid mudan tahay in dowladda aysan dadkeeda siin adeeg caafimaad, haddana dadka danta yar ee isbitaalada adeegga u doonta kusoo rogtay canshuiur dheeraad ah in ay bixitaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Heshiis lagu dhisayo qaar kamid ah Magaalooyinka dalka oo lakala saxiixday (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Duqa Magaalada Garowe oo ka hor yimid Mashruuca Madaxweyne Deni ee Yogo day

Caydiid Ali

Axmed Madoobe: “Waxaan ka digeynaa in la qabto doorasho hal dhinac ah”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---