Wararka ka imaanaya magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag, ayaa sheegaya in halkaasi ka taagan tahay xiisad ka dhalatay dilal saacadihii lasoo dhaafay loo geestay ganacsato iyo dad kale oo kasoo jeeda deegaannada SSC Khaatumo.
Saacado kahor waxaa magaalada Ceerigaabo lagu dilay ganacsade caan ahaa oo lagu magacaabayay Cumar Sanjocor, ganacsadaha dilkiisa ayaa lagu tuhmayaa in ay fuliyeen rag kasoo jeeda deegaan ahaan maamulka Somaliland.
Xaalad kacsanaan ah iyo xiisad dagaal ayaa laga dareemayaa xaafadaha magaalada Ceerigaabo, waxaana xiisada sabab looga dhigay dilal dhowr ah oo saacadihii lasoo dhaafay magaaladaasi iyo deegaanno hoostaga loogu geestay dad kasoo jeeda Khaatumo.
War-saxaafadeed xalay kasoo baxay maamulka Khaatumo ayaa lagu sheegay in Somaliland dad badan oo kasoo jeeda Khaatumo ku dishay magaalada Ceerigaabo, waxa ayna Khaatumo ku eedeeyeen Madaxweynaha Somaliland uu halkaasi ka abaabulayo colaad.
Maamulka Khaatumo ayaana sheegay in aysan u dulqaadan doonin gardarooyin ay Somaliland ka wado magaalada Ceerigaabo, waxa ayna sheegeen in ay awood buuxda u leeyihiin in jawaab ka bixiyaan gardarooyinka iyo daandaansiga ka imaanaya Somaliland.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com