Allbanaadir.com
NEWS

Israel oo shaacisay iney soo furatay Qaid Farhan Al-Qadi

Ciidanka Israa’iil ayaa ku dhawaaqay howlgal ku dhisnaa sirdoonka sax ah inay ku soo furteen maxbuus Qaid Farhan Al-Qadi, oo ah Carab Israa’iili ah, kaasoo ka mid ahaa maxaabiista ay haysay Xamaas.

Howlgalka lagu soo furtay oo ka dhacay koonfurta Qasa ma aysan bixin faahfaahintiisa ciidanka Israa’iil sida uu u dhacay, iyagoo sheegay inay sii wadaan howlgallada ay ku raadinayaan maxaabiista oo ay ku rajo weyn yihiin inay maxaabiis kale soo furtaan.

Wargeyska Israa’iil ee Haaretz ayaa sheegay maxbuuska ay sheegeen inay Israa’iil soo furteen inuu isaga ka soo baxsaday raggii gacanta ku hayay, taaso meesha ka saaraysa inuu jiray howlgal loo qastiyay oo ninkan lagu soo furtay.

Maaddama uu hadda dagaalka daba-dheeraaday, waxay u badan tahay in Xamaas ay isaga tagtay qaar ka mid ah maxaabiista aysan mudnaanta siineyn, sababo la xiriira in maxbuus kasta uu saad iyo ilaalo uga baahan yahay, waxaa suragal ah inay xoojiyeen ilaalada maxaabiista muhiimka ah ee askarta u badan.

Wargeyska New York Times, ayaa sidoo kale maalin ka hor baahiyay in Mareykanka uu Qasa geeyay raadaaro la socda dhaqdhaqaaqa dhulka hoostiisa ah, halkaasoo ay ka howlgallayaan sirdoonka CIA-da oo la sheegay inay baadigoobayaan hoggaamiyaha Xamaas, Yaxye Sinwar.

Related posts

Xagee ku dambeysay diidmadii Somaliland ee booqashadii Madaxweyne Farmaajo?

admin

Magaca & sawirka askarigii Maraykanka looga dilay Kenya oo la shaaciyey (Sawirro)

Caydiid Ali

Fahad Yaasiin oo loo doortay Xildhibaan Xilli la hakiyay doorashada Kursigan (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---