Ciidanka Boliiska Soomaliyeed Gaar ahaan Qeybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir ayaa Gacanta Ku soo Dhigey Eedeysanayaal Kala duwan oo loo heysto dembiyo kala duwan
“Waxayna Bulshada Dhexdeeda ku haayeen Falal lidi ku ah Amniga iyo Sharafka muwaadiniinta Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Booliska.
Eedeysanaha Koowaad Dable Xoogga dalka Abshir Ibraahim Cabdulle ayaa loo heystaa inuu xirxiray ka dibna jirdil u geystay muwaadin Soomaaliyeed.
Askarigan ayaa baraha bulshada Live ka soo galay isagoo dhabarka kaga taagan muwaadinkan oo uu ku eedeeyay inuu ahaa tuug, waxaana falkaas arxan darada ah ka carooday dad badan oo daawaday.
Eedeysanaha labaad oo la yiraahdo Liibaan ibraahim Xassan ayaa loo heystaa isna inuu kursi dhex dhigtay wado laami ah isagoo la soo baxay bastoolad ka dibna xanibay gaadiidkii wadada marayey.
Booliska ayaa sidoo kale loo qabtay eedeysaney Maxamuud Maxamed Cali oo oo heysto khalkhal gelin amni.