Allbanaadir.com
NEWS

DF oo shaacisay xiliga dalka laga bilaabayo shidaal qodista

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in horaanta sanadka soo socda la bilaabi doono howlihii sahaminta iyo Qodista Shidaalka Soomaaliya.

Dr. Cabdirsaaq Cumar Maxamed Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo macdanta dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in bisha September uu dalka imaan doono Markab laga leeyahay dalka Turkiga, kaas oo samaynaya sahankii u dambeeyey meelaha ku haboon in laga qodo ceelasha shidaalka.

Wasiirka ayaa xusay in horraanta sanadka 2025-ta la filayo in la bilaabo qodista rasmiga ah ee shidaalka, taasoo noqonaysa tallaabo wax ku ool ah oo looga faa’iideysanayo khayraadka dabiiciga ah ee dalka.

Sidoo kale, Dr. Cabdirisaaq ayaa xusay in Soomaaliya ay xubin ka noqonayso hay’adda caalamiga ah ee tamarta laga dhaliyo Nukliyeerka, (IAEA) taas oo faa’iido weyn u soo kordhinaysa Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa tallaabooyin is xigxiga u qaaday in laga faa’iideysto khayraadka shidaalka, waxaana ay heshiis arrinkaas ku saabsan la gashay dowladda Turkiga.

Related posts

Mengistu Hailemariam iyo Desalegn oo kulmay iyo Muran ka dhashay

Caydiid Ali

Wararkii Ugu Dambeeyay dagaal xooggan oo Maalintii saddexaad ka socda Sudan iyo Dhimashada oo…

Cabdi Cade

Madaxweyne Musaveni oo sheegay in uu Jecel yahay Donald Trump

Cabdi Cade
Taboola Ads ---