Allbanaadir.com
NEWS

Mahad Xaaji oo ka jawaabay eedeyn loo jeediyay, soona bandhigay cadeymo

Mudane Mahad Axmad Xaaji oo horay u soo noqday Lataliyaha gaarka ah ee Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ka jawaabay eedeyn uga timid Golaha Shacabka oo ay soo abaabuleen Aadan Madoobe iyo Xoghayiisa Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabiri.

Qoraal uu soo saaray Mahad Haji ayaa waxa uu ku soo bandhigay cadeymo waa weyn oo muujinaya in xilka uu isaga ka tagay kadib markii shaqo iyo codsi uu ka helay Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee ICC.

Mahad Xaaji ayaa la magacaabay 14-kii August 2022 waxaana uu shaqada ka tagay 6-tii Maarso 2023 sida ku cad Documentsyada magacaabista iyo shaqo ka tagista ee kasoo baxay xafiiska Gudoomiye Aadan Madoobe.

Mudane Mahad Xaaji ayaa sidoo kale waxa uu qoraalkiisa ku sheegay in ujeedka qoraalka laga soo saaray iney tahay sad bursi iyo waliba in la sumcad dilo maadama ay aad u aamisanyihiin deeqbixiyeyaasha iyo waliba qaar badan oo kamid ah Xildhibaanada, waxaana uu Lataliye Mahad Xaaji uu tilmaamay in arrimo dhaqaale awaadeed oo ay doonayaan iney lacag ku cunaan mashruuc tababar oo la siin doono Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya iney arrintan u sameeyeen gudoonka Golaha Shacabka.

Waxaa dhanka kale xusid mudan intii uu xafiiska joogay Mahad Xaaji oo lataliyehiisa gaarka uu ahaa in Gudoomiye Aadan Madoobe uu kala shaqeeyay casuumada iyo kulamada madaxd katirsan reer Yurub sida afar guddoomiye Baarlamaan oo Europe ah, labada Madaxweyne ee ICC iyo ICJ oo kala ah maxkamadda caddaldda adduunka iyo maxkamadda dambiyada caalamiga iyo mas’uuliyiin kale.

Qaar katirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka oo ay ugu horeyso Marwa Abdi Bashiir iyo Xildhibaan Yuusuf Gam’diid ayaa si weyn uga falceliyay Sharaf dilka uu Aadan Madoobe ku sameeyay Lataliyahiisii hore Mahad Xaaji.

Qoraal ay barteeda Facebook soo gelisay Xildhibaanad Marwa Abdibashiir waxa ay ku tiri “ Masuul sarre Mahad waxaad tahay aqoonyahay waddani ah oo jecel dadkiisa iyo dalkiisa. Shaqadaana mar horaa ayaad ka tagtay. ee sheekadani waa “Baroortu Orgiga ka weeyn” oo ay macnaheedu tahay waxaa laga xun yahay waa machadka muhiimka ah ee ay xildhibaanaddu iska diwaan galiyeen. Mahadoow hore u soco baan ku leeyahay”

Xogo qaar oo helnay waxa ay sheegayaan in Mahad Xaaji ay aad uga soo hor jeedo Villa Somalila islamarkaana aan lagu faraxsaneyn shaqadii uu la qabtay Aadan Madoobe, iyadoo xitaa dalal uu aadi lahaa Sheikh Aadan Madoobe uu kaga hormaray Madaxweyne Xasan Sheekh islamarkaana Villa Somalia ay ka shaqeyneysay in xilka laga qaado Mahad Haji, balse uu isaga ka tagay 6 March, 2023.

Mudane Mahad Xaaji ayaa markii uu shaqada ka tagay waxa uu noqday La-taliyaha Madaxweynaha Golaha dalalka ee Maxkamada Dambiyada Caalamiga ee ICC Marwo Silvia Fernandez , waxaana Page-ka Facebook ee Golaha Shacabka lagu soo daabacay Hambalyada Mahad Xaaji 7 March, 2023, Sidoo kale Gudoomiye Ku-xigeenka BJFS Marwo Sacdiyo Yasin Samantar ay barteeda Facebook sidoo kale ugu Hambalyeeysey si qaas ah Mudane Mahad Axmed Xaaji in uu noqdey La-taliyaha Madaxweynaha Maxkamada.

Xildhibaano badan ayaa iska diiwaan geliyay machadka Horn and East Africa Parliamentary Institute si ay u helaan tababaro dibadda ah oo deeq bixiyeyaasha caalamia ah bixin doonaan qarashadkiisa,balse gudoonka Golaha Shacabka waxa ay doonayeen iney machadkan dhaqaale ka sameeyaan islamarkaana tababarada iyaga loo soomaro sida uu sheegeen Xildhibaano iska diiwaan geliyey Machadkan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mooshinka laga gudbiyay Farmaajo oo la sheegay in sadex Ujeedo laga leeyahay

Cabdi Cade

Q/Midoobay oo Somalia ka fulineysa olole 16 Maalmood soconaya (Akhriso)

Caydiid Ali

Rooble oo magacaabay Guddi farsamo oo ka taageera arimaha Doorashooyinka

Cabdi Cade