Allbanaadir.com
NEWS

Natiijada Imtixaanka Shahaadiga Dugsiga Sare oo la shaaciyay iyo arday badan oo…

Wasaaradda Waxbarashada Hiddiha iyo Tacliinta Sare ee Xukumadda Fedaraalka Soomaaliya, ayaa maanta shaacisay natiijada imtixaanka dhahaadiga ee dugsiga sare oo sannadkan u fariisteen arday gaareysa  36,034Arday.

Imtixaanka waxaa sanadkan ku baasay oo gudubtay arday gaareysa 33,666 arday, waxaa dhacay oo mar kale iskuulka ku laabanaya arday gaareysa 2,366 arday, waxaa sidoo kale wasaaradda Waxbarashada natiijadooda baa’bisay arday gaareysa 2,905 arday oo qish lagu qabtay.

Wasaaradda Waxbarashada ayaa sidoo kale shaacisay in sannadkan imtixaanka guud ahaan dalka laga qaaday uu kaalinta koobaad u galay 𝐙𝐚𝐤𝐚𝐫𝐢𝐲𝐞 𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐂𝐢𝐬𝐦𝐚𝐚𝐧, oo ka socday g𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐧𝐚𝐚𝐝𝐢𝐫, gaar ahaan Dugsiga 𝐀𝐥-𝐦𝐚𝐫𝐰𝐚𝐳𝐢 𝐃𝐞𝐲𝐧𝐢𝐢𝐥𝐞, darjada uu heleyna noqotay 𝟖𝟗%.

Imtixaanka shahaadiga dugsiga sare ayaana sannadkan arday dhacday iyo kuwa natiijadooda la baa’biyay noqdeen kuwa aad u badan, waxaana arrintaasi walaac iyo niyad jab ku abuurtay waalidiintii sanadaha badan ardayda waxbarashadooda ku dedaalayay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Liiska Musharaxiinta beri galaya doorashada Aqalka sare ee Somaliland oo la shaaciyey

Caydiid Ali

Musharax Madaxweyne oo shaaciyay Ujeedooyinka Farmaajo ka leeyahay Shirka uu Iclaamiyay

Cabdi Cade

Wasiir aad ugu dhawaa Farmaajo oo xil sare looga magacaabay Ururka IGAD iyo Dowladda oo…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---