Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda oo lacag u qeybisay dad ay ehelkooda dileen Al Shabaab (Sawirro)

Guddiga gurmadka Qaran ee qaraxi xeebta Liido ayaa xarunta Qaran ee howlgallada gurmadka degdegga ah ee hay’adda Maareeynta Musiibooyinka kula kulmay ehellada dadkii ku naf-waayay weerarkii argagaxiso ee billowgii bishaan ka dhacay xeebta Liido.

Guddiga ayaa min $2000 oo doolar oo taakulo ah guddoonsiiyay ehellada 36 qof oo ku dhintay weerarkaas, iyagoo ballan-qaaday in aan intaas looga hari doonin oo si gaar ah dowladda Soomaaliya kaga war-qabi doonto dhammaan walaalaha wax-yeelladu gaart

Sidaan oo kale guddiga gurmdka weerarkii xeebta Liido ee magaalada Muqdisho ayaa  horey lacago qoondo u guddoonsiiyay qaar kamid ah dadkii dhaawacyadu ka soo gaareen weerarkaas, kuwaa oo sidoo kale laga bixiyay lacagihii daawada uga baxday.

Weerarkii argagaxiso ee Al Shabaab ku qaadeen xeebta Liido ee magaalada Muqdisho ayaa lagu dilay dad gaaraya 40-qof oo shacab u badnaa, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay dad ka badan 100-qof oo qaarkood dhaawacyo culus soo gaareen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ma dhab baa in Iran ay hub kiimiko ah siisay Xisbullah

Caydiid Ali

Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada oo War cusub soo saaray (Akhriso)

Caydiid Ali

Xildhibaano katirsan Golaha Shacabka oo hal sabab darteeda gunnada laga jarayo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---