Allbanaadir.com
NEWS

TikToker diyaaradda Itoobiya buuq ku dhexsameeyay oo kiis argagaxiso…

Dhawr maalmood ka hor, waxaa baaritaan argagixisinimo la xiriira lagu bilaabay lix ruux oo qalalaase ka dhex abuuray diyaaradda Ethopian Ailines oo isku diyaarineysa duulimaad ay isaga kala gooshaysay magaalooyinka Addis Ababa iyo Mekele.

Inkasta oo maalinkaas ay diyaaraddu sheegtay in aysan duulimaadkeedii sameyn Karin sababo la xiriiray ceeryaamo, ayaa hadana waxaa la arkayay muuqaal la sii daayay oo ay ka dhex muuqdaan qaar ka mid ah rakaabka oo la murmaya shaqaalaha diyaaradda, iyaga oo sheegayay in aysan ka dagaynin diyaaradda.

Rakaabka qaar ee saarnaa diyaaradda ayaa waxaa la maqlayay iyaga oo leh, “Ma dagayno” waxaana muuqaalka si toos ah ugu baahinayay baraha bulshada qof lagu magacaabo ‘John Daniel’ oo dad aad u badan ay ku xiran yihiin bartiis bulsho ee TikTok.

Inkasta oo ay dhacdadu noqotay mid hadal hayn badan abuurtay ayaa hadana dadkii qaybta ka ahaa, gaar ahaan John Daniel waxa uu dhaleecayn xoogga iyo cambaarayn kala kulmay baraha bulshada.

Dadka qaar ayaa waxay ku baaqayeen in talaabo adag ay ka qaaddo diyaaraddu ama ay ciidamada ammaanku ay talaabo ka qaadaan.

Kadib markii dhacdadaasi ay si wayn u baahday ka dib, waxaa hadana soo baxay warka sheegaya in dadkii ku lug lahaa dhacdadaas oo ay ka mid yahay qofkii TikToker ka ahaa in ay qaybteen ciidamada booliska oo ay xabsi dhigeen. Waxaana qabashadoodu ay ahayd maalmo ka hor.

Intaas ka dib ayaa sida ay baahiyeen ciidamada booliska dawladda federaalka Itoobiya maalinimadii Axadda ee shalay, shan qof iyo TikToker lagu magacaabo John Daneil waxaa lagu bilaabay baaritaan argagixisinimo laga baarayo.

Magacyada dadka tuhmanayaasha ah ayaa waxay boolisku ku kala sheegeen John Daniel, Emmanuel Exit, Nathaniel Chewenwenson, Elias Driba, Yeddia Lisbeth iyo Eleni Knefe, waxaana dhamaantood ay haatan ku jiraan gacanta booliska.

Sida laga soo xigtay booliska, lixda qof ee tuhmanayaasha ah “ayaa sababay in diyaaraddu ay awoodi waydo in ay duusho, waxayna sheegeen in la hor geyn doomo sharciga dambiilayaasha”.

Intaas ayaa waxaa lagu sii diray in rakaabkaan “diiday” in ay diyaaradda isaga dagaan ee haatanna baaritaanka lagu wado in ay u shaqaynayeen “koox nabadda ka soo horjeeda” sidaas daraadeedna haatan baaritaan argagixisanimo lagu wado.

Lixdaan tuhmane ayaa waxaa lagu soo eedeyn doonaa waxyaabo ay ka mid yihiin “in ay ku xadgudbeen hawlgal duulimaad gudaha iyo dibadaba ah, iyo danbi argagixisanimo,” maalinimada berri ah. Waxaa kale oo la sheegay in maxkamadda la hor keeni doono.

Balse xog ay maalinimadii Khamiista baraheeda bulshada ku baahay shirkadda Ethiopian Airlines, waxay ku sheegtay, “in sababo cimilo xun, ay dhawr duulimaad u awoodi waayeen in ay ka dagaan garoonka diyaaradaha ee Bole, sidaas daraadeedna loo leexiyay duulimaadyadaas meelo kale”.

“mar walba waxaan muhiimadda saarnaa badbaadada rakaabkayaga,” ayay tiri diyaaradda, iyaga oo intaas ku sii daray warkoda in sababo cimilo darteed ay carqaladi ku timid duulimaadyadii gudaha iyo kuwii caalamiga ahaa intaba.

Ma ahan markii ugu horeysay oo qaar ka mid ah rakaabka diyaaradda Ethiopian Airlines uu muran dhex maro shaqaalaha. Dhawaan ayaa waxaa sida dhimbisha dabka u baahay muuqaalka gabar Soomaali Maraykan ah oo ay wada murmayaan qaar ka mid ah shaqaalaha diyaaradda, kadib markii sid ay iyadu sheegtay kursigeedii laga siiyay masuul Itoobiyaana ah.

Dhacdadaas oo muddo laga hadal hayay baraha bulshada ayaa shirkadu waxay sheegtay in rakaabka badan oo jartay tikidhada diyaaradda darteed ay buux sameen kuraastu.

Source BBC

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ganacsade la dhashay Wasiir caan ah oo Muqdisho lagu dilay iyo ninkii dilay oo la qabtay

Cabdi Cade

Golaha Wakiillada Somaliland oo diiday xasaanad ka xayuubinta Xil: Abiib

Cabdi Cade

Shir Xasaasi ah oo u socdo Madaxda Jubbaland, Puntland iyo Danjire Yamamoto

Cabdi Cade
Taboola Ads ---