Allbanaadir.com
NEWS

Puntland oo qabatay dayuurado isqarxiya iyo raggii watay (Sawirro)

Puntland ayaa shaaca ka qaaday inay gacanta ku dhigeen xubno ay ku tilmaameen inay ka tirsan yihiin Al Shabaab ama Daacish, iyo hub Soomaaliya ku cusub oo la sheegay inay wadeen.

Xubnaha la sheegay ayaa ah ilaa todoba xubnood oo ciidamada amaanku sheegeen inay gacanta ku hayaan.

“Dadkan laga shakisan yahay ayaa la soo qabtay, ka dib markii la helay xog ciidan oo ah inay hub sidaan” ayuu yiri sarkaal sare oo ka tirsan madaxda ciidamada amaanka ee Puntland oo ka gaabsaday in magaciisa la shaaciyo.

Xubnaha ayaa la sheegay in qaarkood lagu qabtay dayaaradaha bilaa duuliyaha ah, gaar ahaan nooca is qarxiya ee loo yaqaanno Kamikaze oo lagu farsameeyo Iran.

Dayaaradahaas bilaa duuliyaha ah oo Yemen aad looga isticmaalo ayaa la aaminsan yahay in Puntland ay ka soo galeen dhanka magaalada Boosaaso, waxaana xilliga la qabanayey loo sii waday magaalada Gaalkacyo.

Sarkaalkaas ka tirsan madaxda ciidanka Puntland wuxuu intaa ku daray in dayaaradaha iyo dhowr qof oo siday lagu qabtay inta u dhaxaysa Garowe iyo Gaalkacyo.

“Markii aan dabagal ku samaynay ka dib waxaan gacanta ku soo dhignay tiro kale oo ah dad looga shakisan yahay inay fal dambiyeedka ku lug lahaayeen” ayuu yiri sarkaalka.

Dayaaradaha bilaa duuliyaha ah oo tiradooda lagu sheegay 5 dayaaradood waxaa hadda gacanta ku haya ciidanka amniga ee Puntland, waxayna sheegeen in sidoo kale ay gacanta ku hayaan 7da qof ee la tuhunsan yahay, kuwaasoo baaritaan lagu wado

Related posts

Khubaro ka tirsan FBI-da Maraykanka oo ku biiray baaritaanka weerarkii RW Hamdok

Caydiid Ali

Xaflad uu xilka kula wareegay Guddoomiyaha cusub ee Jaamacada Benadir oo Muqdisho lagu qabtay (Sawirro)

Caydiid Ali

Isbitaalka Banaadir oo la dhigay dad badan oo ku sumoobay boorash ay cabeen

Cabdi Cade