Ciidamada booliiska ee ka howlgala magaalada Garawe ee caasimadda maamulka Puntland, ayaa gacanta ku dhigay todobo nin oo lagu eedeeyay in ay katirsan yihiin kooxaha argagaxisada ah ee kasoo horjeeda xasilloonida deegaannada Puntland.
War kasoo baxay taliska booliiska gobolka Nugaal ayaa lagu sheegay in ciidamada booliiska qabteen xubnahan lagu tuhmayo in ay katirsan yihiin kooxaha argagaxisada ah, waxa ayna sheegeen in raggan la qabtay ku socdaan baaritaanno.
Booliiska warka kasoo baxay ayaana lagu sheegay in saddex nin oo kamid ahaa todobada qof ee eedeysanayaasha la qabtay loo gudbiyay xabsiga Garawe, hasa ahaatee mid kamid ah raggaasi oo isku dayay in uu baxsado rasasa lagu furay uu kasoo gaaray dhaawac.
”Waxa xabsiga dhexe ee Garowe loo qaadey 3 kamid ah kooxda la qabtay ,halkaas waxaa marki la gaayey Iridda xabsiga isku dayey in uu baxsado mid kamid ah 3-daas waxaana so gaarey dhaawac,kaas oo xaaladiisa caafimaad lagu dabiibayo mid kamida Isbitaalada Garowe” aya alagu yiri warka booliiska.
Booliiska ka howlgala caasimadda Puntland ee Garawe ayaana bulshada ka codsaday in ay ciidamada la shaqeeyaan kana caawiyaan sidii loo qaban lahaa kooxaha falalka xasillooni darada ah ka abuuraya magaalada iyo guud ahaan deegaannada Puntland.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com