Allbanaadir.com
NEWS

Wadahadllo ka socday Qaahira oo fashil kusoo dhammaaday

Wadahadallado heerkoodu sarreeyay oo Axaddii shalay ay magaalada Qahira ku yeesheen ergooyin ka socday dowladaha dhexdhexaadinaya Isra’il iyo Xamas, ayaa mar kale ku soo dhammaaday is afagan-waa, sida uu xaqiijiyay sarkaal sare oo ka tirsan Dowladda Mareykanka.

Wadahadalka oo ay qeyb ka aheyd Isra’il balse ay ka maqneyd Xamaas, ayaa dhamaaday iyadoo aysan wax natiijo ah kasoo bixin, balse sarkaalkan ayaa sheegay in ay sii socon doontaan maalmaha soo socodo.

Sarkaal Mareykanka ah oo codsaday in aanan la magac-dhabin ayaa wakaaladda wararka ee AP u sheegay, in lagu heshiisay in guddiyo darajadoodu hooseyso ay baaqi ku sii ahaan doonaan magaalada Qahira, si ay u sii wadaan wadahadalka.

Wuxuu sheegay in wadahadalladan Qahira ay soo billowdeen Khamiisti lana soo gaba gabeeyay Axaddii shalay, isla markaana wixi kasoo baxay ay ahaayeen miro wax ku ool ah, iyada oo ay dhinacyadu ku dadaaleen sidii loo gaari lahaa heshiis kama dannbeys ah.

Arrintan ayaa ku soo beegantay, xilli ay Isra’il iyo Xisbullah ay Axaddii is weydaarsadeen boqollaal madaafiic ah oo ku kala dhacay Lubnaan iyo Israil.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Magaalo Barakeesan oo loo aqoonsaday mida ugu caafimaadka fiican Dunida

Cabdi Cade

Macruuf Xaaji, Agaasimaha xariirka bulshada ee xafiiska Ergeyga Gaarka ah ee Abaaraha oo ka warbixiyay kormeer uu Ergeygu ku tagay Buulo Burte.

Cabdi Cade

(Sawirro) Wafdiga Somalia ku metelaya dacwada badda oo galay Maxkamada ICJ

Caydiid Ali
Taboola Ads ---