Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan oo lataliye u magacaabay Jeneraal ciidan oo caan ah

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wareegto uu soo saaray u magacaabay Jeneraal Cabdullaahi Gaafow Maxamuud in uu noqdo lataliyaha arrimaha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Jeneraal Cabdullaahi Gaafow ayaa horey usoo noqday taliyaha ciidanka nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya , agaasimaha hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha iyo xildhibaan heer Federaal.

Lataliyaha arrimaha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya Jeneraal Gaafow ayaa ah sargaal ciidan oo khibrad badan u leh arrimaha ciidamada wax badana kusoo jiray.

 

Related posts

War Murtiyeed ka soo baxay shirkii madaxda DF & dowlad goboleedyada (Akhriso)

Caydiid Ali

Israel oo xasuuq cusub ka geysatay Gaza (Sawirro)

Caydiid Ali

(Sawirro) Mareykanka oo maxkamad soo taagay rag loo heysto iney lacago siiyeen..

Caydiid Ali