Allbanaadir.com
NEWS

Xisbullaah oo Weerar culus oo Gantaalo ah saakay ku qaaday Israa’iil

Ururka Xisbullah ee ku sugan qeybo kamid ah dalka Lubnaan ayaa saakay oo Axad ah weerar culus oo dhinaca cirka ah ku qaaday waqooyiga Israa’iil, gaar ahaan xeryo ay leeyihiin milatariga Israa’iil iyo goobo kale ay yaalaan hubka difaaca Israa’iil.

War kasoo baxay kooxda Xisbullah ayaa lagu sheegay in saakay qaadeen wajiga koobaad ee howlgal dhinaca cirka ah oo ka dhan ah Israa’iil, waxa ayna shaaciyay in weerarkaasi dhinaca cirka ah uu si buuxda u  guuleestay.

Xisbullah ayaa sheegtay  in  saakay kaliya in ka badan 320 gantaal ay ku rideen dhanka Israa’iil , waxa ayna bayaan ay soo saareen ku shaaciyeen in 11 goobood oo militari oo ku yaalla waqooyiga Israa’iil ay la beegsatay boqollaal gantaallada Katyusha ah.

Bayaan kasoo baxay Xisbullah ayaa lagu sheegay in ay weerarkeeda ku billowday maanta oo Axada mowjado gantaallo ah iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, taasoo jawaab u ahayd sida ay sheegeen dilkii taliyihii ugu sarreeyay ee Fu’aad Shukr oo bishii hore lagu dilay Beyruut..

Ciidamada Israa’iil ayaa dhankooda jawaab celin deg deg ah ka bixiyay weerarka ay kooxda Xisbullaahui kusoo qaadeen, waxa ayna duqeeyeen diyaaradaha Israa’iil goobo kuyaalla  dalka Lubnaan , gaar ahaan deegaannada ay ka taliyaan Xisbullaah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Diyaarad goordhaw kusoo dhacday garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Ciyaaryahan Caan ah oo qaatay tababar ciidan kuna guuleestay abaal marin !! (Sawirro)

Cabdi Cade

Bankiga Adduunka oo shir caalami ah ka furay Washington & RW Khayre oo ka qeyb galaya (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---