Xubno katirsan kooxda Al Shabaab ayaa xalay qarxiyay suuqyo kuyaalla deeegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho, kaddib markii suuqyadaasi lagu xiray kaamiirooyinka sida qarsoodiga ah wax u duuba ee CCTV.
Ceelasha biyaha ayaa hal mar xalay laga maqlay dhowr qarax oo nuuca miinada ah oo lagu xiray suuqyada qaar, waxaana qaraxyada xigay dab xooggan oo ka kacay suuqyada Safa iyo Marwa ee kuyaalla deegaanka Ceelasha Biyaha .
Dabka xalay qabsaday suuqyadaan ayaa socday in muddo ah, waxaana halkaasi ku bas beelay goobo badan oo ganacsi oo Ceelasha Biyaha kuyaalla. waxaana markii dambe lagu guulestay in la damiyo suuqyadii la gubay oo ku fiday goobo kale oo daris la ahaa.
Qaraxyada xalay lagu gubay suuqyo kuyaalla deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa yimid kaddib markii ciidanka dowladda ku amreen suuqaydaasi in ay xirtaan kaamirooyinka CCTV, waxaana ammarkaasi mid kasoo horjeeda ganacsatada iyagana siiyay kooxda Al Shabaab oo diidan kaamirooyinka CCTV.
Al Shabaab ayaana la sheegay in goobaha ay xalay qarxiyeen ayna gubeen in ay ahaayeen goobihii lagu xiray kaamirooyinka CCTV, waxaana ganacsatada degan Ceelasha Biyaha heesata xaalad adag, iyaga oo lagu qasbayo in kaamirooyin xirtaan , haddii ay xirtaan kaamirooyinkana ka baqaya in la qarxiyo.;
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com