Allbanaadir.com
NEWS

Cudurka Mpox oo soo caga dhigtay Kenya iyo Somalia oo..

Kenya ayaa xaqiijisay labo kiis oo la xiriira fayruska hadda sida dhaqsada ah u faafaya ee Mpox, oo loo yaqaanno furuqa daanyeerka, kaddib markii laga  helay labo nin oo Uganda ka yimid oo ah darawalada gaadiidka xamuulka ee u kala safra dalalka.

Wasaarada cafimaadka Kenya ayaa sheegtay in labadasa qof la karantiilay, iyadoo laga cabsi qabo in cudurkan uu ku faafo dalkaas una gudbiyo dalalka deriska oo ay ku jirto Somalia.

Cudurkan oo ah mid halis ah oo si dhaqsi ah gudba ayaa ku faafaya dalalka caalamka isagoo gaaray dalal ka tirsan Yurub iyo Aasiya marka laga reebo dalalka afrika qaarkood sida Congo, Ugandha iyo qaar kale oo kiisas badan laga diiwaan geliyey dadna ay gugu dhinteen.

Soomaaliya oo ah dal xuduudihiisu furan yihiin ayaa halis ugu jirta inuu soo gaaro cudurkan, iyadoo xiriir ganacsi iyo isku socod xoog lehna uu kala dhexeeya Kenya oo haatan cudurka laga helay, Qaadka ayaana ka mid ah waxyaabaha ugu badan ee Kenya u soo dhoofiso Somalia si maalinle ah.

Dowlada Somalia ayaa horey shacabkeeda uga digtay cudurkan inkastoo aysan ilaa hadda qaadin talaabooyin deg deg ah oo looga hortagayo in cudurkan uu ku soo faafo Somalia.

 

Related posts

Shirar Xasaasi oo ka dhacay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya

Cabdi Cade

Rasaas dhimasho & dhaawac sababtay oo lagu furay gaari rakaab ah

Caydiid Ali

Xildhibaano Xasaanada looga qaaday Fadeexad weyn oo Qatar ku lug leedahay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---