Allbanaadir.com
NEWS

Sanatarada Aqalka sare oo ka dooday labo qodob oo muhiim ah

Ku-simaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare, Mudane Cali Shacbaan braahim oo uu weheliyay Guddoomiye ku xigeenka labaad, Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde), ayaa maanta shir guddoomiyay kalfadhiga shanaad kulankiisa 12-aad Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS.

Ajandaha kulanka ayaa ahaa Akhrinta koowaad ee hindise sharciyeedka xeerka shaqada Soomaaliya iyo soojeedinta la xiriirta arrimaha shaqada dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka iyo Aqalka Sare.

Ugu horrayn Wasiirka Wasaaradda shaqada iyo arrimaha Bulshada XFS Mudane Maxamed Cilmi Ibraahim, ayaa Sanatarrada Aqalka Sare u faahfaahiyay muhiimiyadda sharciga xeerka shaqada Soomaaliya, sababta keentay in dib u eegis lagu sameeyo iyo baahida loo qabo waqtigaan.

Intaas kadib Sanatarrada Aqalka Sare ayaa gudagalay dood waqti dheer qaadatay oo ku saabsanayd doorkooda matalaad ee arrimaha shaqada, dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya, waxayna soo jeediyeen talooyin, dhaliilo iyo aragtiyo kala duwan oo wax ku ool ah, iyagoo tilmaamay in la raaco qodobada ay xeeriyen xeer-hoosaadka Aqalka Sare iyo Dastuurka KMG ah ee dalka, si ay u gutaan waajibaadkooda shaqo.

 

Related posts

Weerar Dad ka badan 200-qof oo Amxaaro ah lagu laayay oo ka dhacay gobolka Oromiya

Cabdi Cade

Maxkamada Caalamiga ee ICJ oo dib u dhigtay Dhageysiga Dacwada Badda ee Somalia

Cabdi Cade

Duqa Muqdisho oo Amray in sida Al Shabaab loola dagaalamo Ciyaalka Weerada

Cabdi Cade
Taboola Ads ---