Allbanaadir.com
NEWS

Dilaa halis ah oo xabsi ka baxsaday oo laga raadinayo gudaha Kenya

Ciidamada booliiska dalka Kenya, ayaa baadigoob ugu jira nin dilaa halis lagu tilmaamay oo dhawaan ka baxsaday saldhig booliis oo kuyaalla magaalada Nairobi, waxaana booliiska dadka ka codsadeen in ay lasoo wadaagaan xogta ninkan baxsadka ah.

Collins Jumaisi Khalusha, ayaa ku eedeysan dilka 42 haween ay ku jirto xaaskiisa , waxaana ninkan oo ku socdeen  baaritaanno dheeraad ah si farsameysan uga baxsaday xabsi uu ku xirnaayeen isaga iyo dad kale oo ajaaniib ah.

Booliiska dalka Kenya ayaa xiray qaar kamid ah askartii iyo saraakiishii ilaalada ka heysay saldhiggii uu ninkan ka baxsaday, waxaana hadda booliiska wadaan howlgallo ay ku raadinayaan ninkan dilka haweenka badan ku eedeysan ee baxsadka ku jira.

Ninkan dilaaga lagu eedeeyay ayaa horeyu beeniyay in isagu masuul ka yahay 42 haween oo meydadkooda lagu arkay goobo kala duwan oo kuyaalla magaalada Nairobi, waxa uuna sheegay in jirdil loo geestay ay keentay in uu qirto dambi uusan galin .

Collins Jumaisi Khalusha iyo 12 nin kale oo u dhashay dalka Eritrea ayaa ka baxsaday xabsi kuyaalla magaalada Nairobi ay ku xirnaayeen, baxsashada raggan ayaana la sheegay in loo fududeeyay ayna ka dambeeyeen askarta ilaalada ka heysay saldhigga ay ku xirnaayeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Khaatumo State baaq muhiim ah u dirtay Madaxda Dowladda Federaalka

Cabdi Cade

Meydadka Afar qof oo la dilay oo caawa lagu arkay Duleedka Dayniile !!

Cabdi Cade

Madaxweyne Madoobe oo Digniin adag kasoo saaray Dagaalka Luuq

Cabdi Cade
Taboola Ads ---