Allbanaadir.com
NEWS

Markab Faransiiska leeyahay oo soo badbaadiyay Markab Gantaal lagu dhuftay

Markab laga leeyahay dalka Faransiiska ayaa ku guulaystay soo badbaadinta Markab lagu magcaabo MV Sounion, kaasi Arbacadii gantaal lagula eegtay Galbeedka Badda magaalada Xudayd ee dalka Yemen.

Markabkaasi oo uu ka babanayey calanka dalka Giriiggu ayaa loo sameeyey gurmad uu u fidiyey Markab laga lee yahay dalka Faransiiska, kaas oo ku guulaystay in Markabka gantaalku ku dhacay u soo jiido dekedda magaalada Jabuuti.

MV Sounion ayaa siday shixnad shidaala oo dhan 150, 000 oo Saliid ceeriin ah ayaa laga cabsi qabay in uu Saliidda ku daadiyo xeebaha Badda cas, taasina ay keento dhibaato saamaysa dhammaanba xeebaha Mandiqadda Geeska Afrika iyo gacanka Carbeed.

Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in uu Markabku haatan si nabad ku joogo dalka Jabuuti isla markaana ay nabad qabaan 29 kii shaqaalaha ahaa ee saarnaa, kuwaas oo haysta dhalasha kala duwan.

Xuutiyiinta Yaman ayaa sii kordhiyey weerarada ay ku hayaan Maraakiibta shisheeye ee maraya xeebaha Badda cas, gaar ahaanna kuwa ka gudba gacanka muhiimka ah ee Baabuul Mandab.

 

Related posts

(Xog) Maxaa sababay in Xassan Shiikh iyo wafdigiisa ay gudaha u geli waayaan Jowhar?

Caydiid Ali

Musuq maasuq xoogan oo ka dhacay Xerada Ciidamada Balli-Doogle iyo baaris lagu bilaabay

Cabdi Cade

Musharaxiinta oo War ka soo saaray ergayga Midowga Afrika u soo Magacaabay Somalia

Caydiid Ali