Allbanaadir.com
NEWS

Walaalo ku eedeysnaa dilka nin Masuul ahaa oo xukun lagu riday

Maxkamadda sare ee ciidamadda qalabka sida ee Soomaaliya ayaa saakay xukunno kala duwan ku riday labo nin oo walaalo ahaa, kuwaa oo lagu eedeeyay in ay dil u geesteen guddoomiye deegaan oo horey u dilay nin kale oo la dhashay.

Labada nin ee walaalaha oo lagu kala magacaabo Daadir Cali Cusmaan & Cabdullaahi Cali Cusmaan ayaa loo heystay dilka Marxuum Xuseen Xasan Mool-gale oo ahaa guddoomiyihii deegaanka Mareereey ee gobolka Shabeelada dhexe, dilkaas ayaana dhacay bishoo Marso ee sannadkan.

Baaris dheer kaddib xafiiska xeer Ilaalinta ciidamada qalabka sida ayaa codsaday qaadista kiisaskan , fadhiyo kala duwan kadib, maxkamadda darajada koowaad ayaa xukun ka soo saartay dodonkii bishii Juun ee sanadkaan, balse xukunsaneyaasha ayaa racfaan ka qaatay xukunkii horey loogu riday.

Maxkamadda sare ee ciidamadda qalabka sida ayaa 19-kii bishan Agoosto  aqbashay dalabkii racfaanka ahaa, ayaa waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda, iyaddoo ugu dambeyn maanta oo Sabti ah xukun ka soo saartay kiiskaan.

Daadir Cali Cismaan ayey Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka sida ku xukuntay dil toogasho oo ah qisaasta Marxuum Xuseen Xasan Mool-gale, halka walaalkiis Cabdullaahi Cali Cusmaan ay maxkamadu dambi ku weysay ayna xorriyadiisa dib u siisay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dagaalka oo ku fiday Muqdisho iyo Madaafiic culus oo lagu garaacay xarunta Madaxtooyada

Cabdi Cade

Warar kala duwan oo kasoo baxaya Sababta loo baajiyay kulankii Golaha Wasiirada

Cabdi Cade

Dhallinyaro dhiirogalin u sameeyay ciidamo ka adkaaday Al Shabaab (Sawirro)

Cabdi Cade