Allbanaadir.com
NEWS

Lacagta ku baxday hoolkii Xamse xalay loo kireeyay oo la shaaciyay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xalay hool kuyaalla magaalada Muqdisho kaga qeyb-galay kulan dadweyne oo su’aallo lagaga waydiinayey waxqabadka Xukuumadda uu hoggaamiyo labadii sano oo ay jirtay.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in uu xog ku helay in qarash ku dhow $15,000 ay ku kacday kirada hoolka, qurxinta, kaamarooyinka iyo warbaahinta , kulankii xalay dadweynaha kula hadlayay ee Muqdisho ka dhacay

.Waxa uu sheegay xildhibaanka in in kulan dadweyne oo kan lamid ahaa sannadkii hore magaalada Muqdisho hool kuyaalla loogu qabtay Madaxweyne Xasan Sheekh xilligii uu mucaaradka ahaa, waxa uuna tilmaamay in lacagtan oo kale aysan ku bixin kulankaasi.

”Waxaa xusid mudan in Madaxweynaha xilligii uu mucaaradka ahaa ay qolada Minbar dood caynkaan oo kale ah isla hoolkan ugu qabatay, iyadoon qarash baaxaddaas leh ku bixin, sababtoo ah Madaxweynaha xilligaa lacagta iskama bixin karin,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaana sheegay in Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha hadda awoodaan in lacag tiro badan ku bixiyaan hool la kireeyo iyo doodo la qabto , waxa uuna xusay in hadda canshuurta shacabka laga qaado lagu bixinayo siyaabo micnodarro ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Laftagareen oo Magacaabay guddi ka kooban 11 xubnoood (Magacyada)

Caydiid Ali

DF oo ka carootay hadal ka soo yeeray Axmed Madoobe, raali gelina ka dalbatay

Caydiid Ali

Madaxweyne Biixi oo kulan la qaatay 20-Wakiil oo Somaliland u qaabilsan Caalamka (Sawirro)

Cabdi Cade