Allbanaadir.com
NEWS

Qoysaskii ay ka dhinteen askar katirsaneed NISA oo la kafaala qaaday (Sawirro)

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kormeer dhiiragelin ah ugu tagay cutubyo ka tirsan ciidamada amniga ee howlgalka amni xaqiijinta ka wada duleedka Muqdisho.

Duqa Muqdisho ayaa ku ammaanay ciidamada amniga sida geesinnimada leh oo ay naftooda ugu hureen bad-baadinta nafta iyo maalka shacabka Soomaaliyeed, waxa uuna si gaar ah u xusay 4-marxuum oo ka tirsanaa ciidamada amniga oo isku dhigay gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxo oo lala damacsanaa in lagu dhibaateeyo shacabka, isagoona ballan qaaday in uu ka-faalad qaadayo qoysaskooda.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir  ayaa Saraakiisha laamaha amniga ku wareejiyay deeq isugu jirtay 20-neef oo Ari ah iyo agab kale oo ay isticmaalaan ciidamada, taasi oo qeyb ka ah dhiiragelinta, ka warqabka iyo kor joogteynta ciidamada ku howlan sugida amniga iyo badbaadinta nafta iyo maalka shacabka Soomaaliyeed.

Ciidamada nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee jooga duleedka magaalada Muqdisho ayaa maalmo kahor fashiliyay baabuur laga soo buuxiyay qaraxyo oo Al Shabaab doonayeen in ay weeraro kaga geestaan Muqdisho, waxaana qaraxyadaasi ku dhintay askar katirsan ciidanka dowladda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Aadan Madoobe: “Xal ayaa laga gaaray dhacdadii 27kii November”

Caydiid Ali

Wasiir awood badan iyo saameyn ku lahaa Ruushka oo la xiray iyo Dambiga loo heesto

Cabdi Cade

Boqortooyada Sacuudiga oo qaaday talaabo ka farxisay ajaaniibta ka xoogsada dalkaas

Caydiid Ali
Taboola Ads ---