Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweynaha UAE oo booqasho taariikhi ah ku tagaya Kenya

Madaxweynaha Imaaraadka Carabta , Sheekh Mohammed Bin Zayed Al Nahyan ayaa booqashadii u horreysay oo rasmi ku tagaya dalka Kenya , taasoo ka dhigaysa hoggaamiyihii u horreeyay ee Abu Dhabi oo 40 sanno kaddib booqanaya Nairobi, iyadoo la sheegay inta uu ku suganyahay Kenya in la saxiixi doono heshiiskii ugu sarreeyay ee taariikhda ay labada dal kala saxiixanayaan oo la xiriira dhaqaalaha.

Guddiyo labada dal ah ayaa isku arkay Nairobi iyo Abu Dhabi, kuwaasoo hadda soo gabagabeeyay heshiisyada ay kala saxiixanayaan Kenya iyo Imaaraadka Carabta.

Xiriirka Kenya iyo Imaaraadka Carabta ayaa si weyn sare ugu kacay tan iyo markii Madaxweyne Ruto uu xilka kala wareegay Uhuru Kenyatta September 2022.

Heshiiskan dhaqaale iyo iskaashiga labada dal ayaa lugu sheegay inuu Kenya dhaxalsiinayo malaayiin doollar oo maalgelin iyo horumarin ay ka helayso Imaaraadka Carabta.

Xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Kenya iyo Imaaraadka waxa uu soo bilowday sannadkii 1982-kii markii ay Kenya safaaradeeda ka furatay Imaaraadka Carabta, halka Imaaraadka uu safaaraddii u horreysay ka furtay Nairobi sannadkii 2012-kii.

 

Related posts

Madasha Xisbiyada Qaran oo War ka soo saaray xiisada ka taagan gobolka Gedo (Akhriso)

Caydiid Ali

Dugsiga Al-xusari ee barashada Quranka oo Wargelin muhiim ah u haya Qurbojoogta Soomaaliyeed

Cabdi Cade

Ra’sul Wasaare Abiy Axmed oo Saacado kama Dambeys ah u qabtay Ciidamada Tigrey

Cabdi Cade
Taboola Ads ---