Allbanaadir.com
NEWS

Masar oo diyaarineysa ciidamo ku soo wajahan Somalia

Masar ayaa lagu warramayaa inay bilowday qorshaha ay ku diyaarinayso ku dhawaad 5 kun oo askari oo la filayo bilowga sannadka cusub inay soo gaaraan Soomaaliya

Waxay qeyb ka noqonayaan howlgalka cusub ee nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AUSSOM

Labo sarkaal oo ka tirsan Wasaaradda Difaaca Soomaaliya ayaa ii sheegay ciidanka Masar inay noqon karaan kuwa ku hubaysan gaadiidka dagaalka, diyaaraddo iyo agab militari oo qeyb ka mid ah ay howlgallo wadajir ku wada fulin karaan ciidanka xoogga Soomaaliya

Dawladda Soomaaliya ayaa sidoo kale filaysa in Sacuudiga oo taageerraya qorshaha Masar ay tiro badan oo ciidan ah ku geynayso Soomaaliya, inuu dhaqangeliyo heshiis difaac iyo taageerro miisaaniyadeed oo u dhaxeeya Riyadh iyo Muqdisho, sida ay saraakiishu sheegeen.

Related posts

Dowlada Somalia oo Magacowday guddiga aaska Qaran ee Marxuum Khadiijo Diiriye

Caydiid Ali

Qoorqoor oo shir dib u heshiisiin ah isugu keenay beelihii dhowan dagaalamay (Sawirro)

Caydiid Ali

Orodyahan caan ah oo tartanka orodada looga mamnuucayo hal arrin darteed !

Cabdi Cade
Taboola Ads ---