Allbanaadir.com
NEWS

Booliska DF oo xiray nin buriyey nidaamka canshuurta Iibka

Ciidanka Boliiska Gobolka Banaadir ayaa soo xiray eedeysane Maxamed Bashiir Axmed xarun ganacsi ku leh Muqdisho

Ninkan ayaa lagu eedeeyey inuu ku kacay fal baal-marsan sharciga dalka iyo in la buriyo habraacii Cashuuraha Dalka gaar ahaan canshuurta iibka ee dhowaan DF ay ku soo rogtay dadka wax iibsanaya.

Ninkan ayaa baraha bulshada soo dhigay muuqaal uu iska duubay oo muujinaya isagoo ku sugan goobtiisa ganacsiga, isla markaana jeexjeexaya warqada uu ku qoran tahay nambarka Merchantiga ee qaabilsan inuu macaamiisha ku diraan canshuurta iibka %5.

Sidoo kale muuqaalka ayaa muujinaya ninkan oo nambarka uu jeexjeexay ku bedelaya nambar EVC caadi ah oo aan loogu talo in loogu talo gelin in lagu diro lacagaha canshuurta iibka

Related posts

Farmaajo oo diiday ka qeyb galka Shirka Muqdisho iyo xogta madaxda kale ee ka qeyb galeysa

Cabdi Cade

Raisul Wasaare Rooble oo Caawa Warbixim siiyay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay

Cabdi Cade

Daawo Sawiro laga soo qaaday xarunta ay ka dhaceyso Doorashada Gudoomiyaha Golaha Shacabka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---