Allbanaadir.com
NEWS

Khilaaf ka dhex curtay Wasiirka & Wasiir ku xigeenka Qorsheynta DF

Isqabqabsi xoogan ayaa hareeyey Wasaaradda Qorsheynta Soomaaliya, iyadoo sadexda xubnood ee kala ah Wasiirka, wasiir ku-xigeenka iyo Wasiiru dowlaha oo iskhilaafay ay ku hardamayaan wasaaradda Qorsheynta.

Khilaafka ayaa bilowday markii Galinkii wasiirka qorsheynta xilka ka qaaday Agaasimaha Statistics Qaranka Sharmaake Max’ed Faarax oo arrimo kala duwan uu ku eedeeyey

Hase ahaatee Wasiir kuxigeenka Wasaarada oo talaabadaas ka carooday ayaa sharci darro ku sifeeyey xilka ka qaadista Agaasimaha Statistics Qaranka

Wasiir ku xigeenka ayaaa sheegay in Wasiirka uusan keligiis awood u laheyn inuu xilka ka qaadis sameeyo, ayna sharci tahay inuu marka hore arrintaas kala tashado masuuliyiinta kale ee Wasaaradda

Khilaafka Wasaarada ka dhex aloosan ayaa gaaray xafiiska RW Somalia halkaasoo la filayo in lagu kala saaro madaxda isqabqabsigu ka dhexeeyo.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA WASIIR KU XIGEENKA

Related posts

Nin Liibiyaan ah oo weerar khasaaro dhaliyay ka fuliyay magaalada Reading

Cabdi Cade

Taliyaha NISA ee Garoonka Aadan Cadde oo noqday halyeey gacanta ku dhigay arin halis ah !!

admin

Ruushka oo arrin cusub ka fulinaya degaanadii uu ka qabsaday Ukraine (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---