Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa booqasho lama filaan ah ku tagay jamhuuriyadda ay Muslimiinta u badan yihiin ee Chechnya, waana markii ugu horreysay muddo 13 sano ah, iyadoo ay weli socoto duullaanka Ukraine ay ka waddo Kursk.
Putin ayaa waxaa soo dhaweeyay hogaamiyaha Chechnya Ramzan Kadyrov, ka hor inta uusan booqan akadeemiyadda ciidamada gaarka ah ee magaciisa sita si uu ula hadlo dagaalyahanno mutadawiciin ah oo halkaas lagu tababaro si ay uga barbar dagaalamaan ciidanka Ruushka ee ku jira Ukraine
Putin ayaa ammaanay mutadawiciinta, wuxuuna sheegay in ilaa iyo inta uu Ruushku haysto rag iyaga la mid ah, ay noqon doonto “mid aan laga adkaan karin”, sida ay sheegeen wakaaladaha dawladda Ruushka.
Kadyrov ayaa ku sheegay qoraal uu soo dhigay kanaalada rasmiga ah ee Telegram-ka in in ka badan 47,000 oo dagaalyahanno ah, oo ay ku jiraan mutadawiciin, ay ku tababareen xarunta tan iyo markii Moscow ay billowday waxa ay ugu yeertay “howlgalkeeda milatari ee gaarka ah” ee Ukraine.
Dagaalyahano ka soo jeeda Jeejniya, kuwaas oo u hanqal taagaya madaxbannaanida burburkii Midowgii Sofiyeeti ka dib sanado badan oo dagaal ay kula jireen ciidamada dawladda Ruushka, ayaa ka qayb galaya dagaalka Ukraine.
Putin ayaa maanta booqday masjid ku yaalla magaalada Grozny ee caasimada Jejniya, halkaa oo hoggaamiyaha Chechnya, Ramzan Kadyrov uu ku guddoonsiiyay kitaab Qur’aanka kariimka ah , iyadoo la arkayay Putin oo dhunkanaya Quraanka
Ciidamada Ruushka ayaa Chechnya ka geystay 20 sano ka hor xasuuq iyo gaboodfal ka dhan ah muslimiinta iyagoo laayey caruur, ciroole, dumar, waayeel, sidoo kalena magaalooyin iyo Masaajido intii uu socday dagaalkii dhexmaray ciidamadii Ruushka iyo dagaalyahanadii muslimiinta ee Jamhuuriyadaas oo doonayey madax banaani.