Allbanaadir.com
NEWS

Xildhibaan Dhabancad oo looga adkaaday Doorasho uu ka qeyb galay

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa ka qeyb galay kulan guddiga Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Golaha Shacabka uu ku dooranayay guddoomiyaha cusub ee guddiga.

Doorashada oo u dhacday hab gacan taag ah waxaa xilka guddoomiyaha guddiga ku tartamayay laba musharax oo kala ah Xildhibaan Maxamed Jaamac Mursal Geelle iyo Xildhibaan Cabdisalaan Xaaji Axmed Dhabancad.

Xubnaha guddiga Arrimaha Dibadda ee Golaha Shacabka ayaa Xildhibaan Maxamed Jaamac Mursal Geelle u doortay inuu noqdo guddoomiyaha cusub ee guddiga Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Golaha Shacabka.

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow oo doorashada kaddib hadlay ayaa guddoomiyaha cusub ee guddiga kula dardaarmay inuu dardargeliyo shaqada guddiga ,isaga oo dhanka kale xubnaha guddiga ku booriyay in ay la shaqeeyeen.

Doorashada guddoomiyaha cusub ee guddiga Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Golaha Shacabka ayaa waxaa goob joog ahaa habdhowre kuxigeenada golaha, xoghayaha guud ee Golaha Shacabka iyo sidoo kale qaar ka mid ah Guddiyada golaha.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Nin lagu eedeeyay inuu sheegtay Nebinimo oo lagu dhex dilay Maxkamad

Caydiid Ali

Al Shabaab oo Xukun dil ah ku fulisay Wiil lagu eedeeyay Dhaqan Fool xun

Cabdi Cade

Hogaamiyaha SSC oo lagu soo dhoweeyey Laascaanood ka dib aqoonsigii DF (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---