Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee gobolka Banaadir, Maxamed Axmd Diiriye (Yabooh), ayaa sheegay in ciidamada ilaalada u ah magaalada Muqdisho ku qabteen labo nin uu sheegay in sawirro ka qaadayeen xarun dowladeed.
Yabooh ayaa sheegay in xilli waddo kamid ah magaalada Muqdisho marayay uu arkay labo nin oo dhallinyaro ah oo watay mooto labo lugaaley, kuwaa uu sheegay in sawirro ka qaadayeen darbiga xarun dowladeed oo kutaalla Muqdisho.
Waxa uu intaa ku daray guddoomiye Yabooh in ragga mootada watay uu amray ciidankiisa in ay qabtaan, waxa uuna xusay markii ay weediiyeen sababta ay xarunta dowladda u sawirayeen tilmaameen in ay iska sawiranayaaeen kaliya aysan wadin wax dhibaato ah.
“Daraad aniga oo meel socda ayaa waxaan ka daba imid laba nin oo mootada laba Lugaaleyda ah saaran oo meel darbi ah sawiraayo waan istaajinay taleefannadii iyo wixii ayaa laga qaaday waa la fiiriyay wixii ay sawirayeen ayaa la fiiriyay maxay ahaayeen waxaad sawiriseen ayaan ku iri? waxay dheheen waan iska sawireynay, meesha ay sawiraayeen waxay ahayd xero dowladeed” ayuu yiri guddoomiye Yabooh.
Guddoomiye kuxigeenka amniga maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in labada nin ay soo qabteen ku wareejiyeen laamaha amniga, waxa uuna xusay markii lasii baaray lagu ogaaday in khatar amni ka shaqeenayeen laguna arkay telfoonkooda dhar askar iyo biskoolado.
“Aniga iskama sii dayninee waan soo waday meel ay hay’adaha amniga joogeen ayaan keenay waa la baaray waxaa la arkay inay halis ahaayeen markii dambana waxaa lagu wareejiyay dadka ku shaqada leh. “Kadib baaris dheer waxaa taleefanooda laga sii helay wax badan askar ayaa laga helay, dhar askar ayaa laga helay, bistoolado ayaa laga helay,” ayuu yiri guddoomiye kuxigeenka amniga dalka.
Muqdisho iyo duleedkeeda waxaa muddooyinkan dambe kusoo batay qaraxyo ay geesanayaan kooxda Al Shabaab, waxaana jira digniino amni oo laga bixiyay weeraro Al Shabaab ka geestaan xarumo iyo goobo kale oo kuyaalla Muqdisho.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com