Allbanaadir.com
NEWS

Dagaal xooggan oo ka socda Yaaqbariweyne iyo ciidamada KGS oo …

Dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidamada daraawiishta maamulka Koonfur Galbeed iyo ciidamo maleeshiyo beeleed ah ayaa ka socda deeaanka Yaaqbariweyne ee hoostaga degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Sida aan wararka ku heleyno ciidamada maamulka Koonfur Galbeed ayaa weerar ku qaaday ciidamo maleeshiyaad ah oo kasoo jeeda beesha Gaaljecel , kuwaa oo ku sugnaa deegaanka Yaaqbariweyne iyo tuulooyin hoostaga.

Dagaal xooggan oo labada dhinac u dhaxeeya ayaana hadda ka socda deegaanka Yaaqbariweyne, waxa ayna saraakiisha ciidamada Koonfur Galbeed sheegeen in ay weerar ku qaadeen maleeshiyaad isbaaro u dhigtay baabuurta marta waddada u dhaxeysa Wanlaweyn iyo Buurhakaba.

Dhinaca kale Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa ku eedeeyay ciidamada maamulka Koonfur Galbeed in weerar qabiileysan ku qaadeen deegaanka Yaaqbariweyne, waxa uuna xusay in ciidanka macwuusleyda deegaanka iska difaacayaan weerarka lagu soo qaaday.

Xildhibaamka ayaana sheegay in dagaalka khasaaro lagu gaarsiiyay ciidamada maamulka Koonfur Galbeed ee duullaanka qaaday, waxa uuna xusay in waxii khasaaro iyo dhibaato ah oo halkaasi ka dhaca masuuliyadeeda qaadi doonaan maamulka Koonfir Galbeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Baraha bulshada ee guddiga Doorashooyinka oo mar kale lala wareegay (Akhriso)

Cabdi Cade

Milatariga Soomaaliya oo si buuxda ula wareegay Deegaanka Camaara (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Wadahadalo u furmi lahaa dowlada Itoobiya iyo Maamulka TPLF oo dib u dhacay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---