Allbanaadir.com
NEWS

Khamri badan oo laga soo galiyay Itoobiya loona waday Muqdisho oo la qabtay

Ciidamada ammaanka ee ka howlgala degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud, ayaa gacanta ku dhigay gaari nuuca loo yaqaan Layla Calaawi oo waday khamri aad u badan , waxaana khamrigan laga soo galiyay Soomaaliya dhinaca xadka Itoobiya.

Sida aan wararka ku helnay ciidamada ammaanka Guriceel oo ka shakiyay alaabta uu gaarigan wado ayaa baaris markii ay ku saeeyeen ku ogaaday in uu khamri wado, waxa ayna sheegeen dadkii gaariga la socday in khamriga loo waday dhinaca Muqdisho.

Gaariga khamriga waday iyo dadkii la socday ayaa la geeyay saldhigga degmada Guriceel, saraakiisha booliiska saldhigaasi ayaana sheegay in baaritaanno dheeraad ah ku sameyn doonaan khamrigan lasoo galiyay gudaha dalka iyo cidda iska laheyd.

Magaalada Muqdisho iyo magaalooyin kalaba waxaa muddooyinkan la galinayay maandooriyaha khamriga, waxaana soo badanaya dhallinyarada iyo dadka kale ee isticmaalaya khamriga oo ah maandooriye halis ah oo abuuraya in dadku ku kacaan falal aad u fool xun.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Wakiilo katirsan Beesha Caalamka oo tagay Baydhabo lana kulmay Lafta Gareen (Sawirro)

Cabdi Cade

Diyaarad qarax siday oo ku socotay gudaha Sacuudiga oo la bur buriyay

Cabdi Cade

Deni oo soo magacaabay Guddiga Farsamo ee Hanaanka doorashooyinka ku matalaya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---