Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni oo maalmahan ku sugan Magaalada Nairobi ayaa kulan gaar ah la yeeshay Wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Mrs. Karin Johannson.
Kulankan ayaa looga wada hadlay guud ahaan xaaladda Soomaaliya, gaar ahaanna horumarka ka socda deegaannada maamulka Puntland ee dhinacyada amniga, dimuqraadiyadda, mashaariicda iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.
Madaxweyne Deni iyo Wakiilka Midowga Yurub ayaa sidoo kale kulankooda uga wada hadlay xoojinta xiriirka wada shaqeyneed ee ka dhaxeeya Midowga Yurub iyo Puntland, waxa uu sidoo kale kala hadlay sidii Puntland loogu madaxbannaaneen lahaa taageerada ay ka helaan Midowga Yurub.
Madaxweynaha Puntland oo ku sugan magaalada Nairobi ayaa wada kulamo uu la qaadanayo safiirro iyo wakiillo katirsan beesha Caalamka, kuwaa uu kala hadlayo xaalada deegaannada Puntland iyo sidii maamulkiisa u heli lahaa taageero dhaqaale aan loo soo marsiin dowladda Federaalka.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com