Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Xamaas oo Madaafiic ku garaacday dhulka Isra’il xooga ku heesato (Daawo Sawirada)

Ururka Xamaas ee u dagaalama xureynta dhulka Falastiin ayaa xalay madaafiic culus waxa ay ku garaaceen deegaano ay xoog ku heesato Israa’il, waxaana Madaafiicda qaar ku dhaceen gudaha dhulka ay Isra’il maamusho.

Xamaas ayaa la sheegay in 200 Madfac ay ku rideen dhulka ay Isra’il maamusho, waxaana mid kamid ah Madaafiicdaasi uu ku dhacay gaari bas ah oo xiligaasi la sheegay in aysan cidna saarneyn balse waxaa ku dhaawacmay askari ka agdhawaa baskaasi.

Ciidamada Isra’il ayaa dhankooda hub culus iyo madaafiic ku garaacay marinka Gaza gaar ahaan goobo ay ku xoogan yihiin kooxda Xamaas, waxaana goobaha Isra’il duqeysay kamid ah xarunta TV-ga Al Aqsa ee taageera kooxda Xamaas.

Madaafiicda iyo Rasaasta ay Ciidamada Yahuuda ku rideen marinka Gaza ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen sadex qof oo labo kamid ah katirsan yihiin Ururka Xamaas halka qof kalana uu ahaa shacab .

Duqeynta xalay labada dhinac is dhaafsadeen ayaa daba socda howlgal Isra’il habeen hore ka fulisay gudaha Gaza oo lagu dilay 7-xubnood oo Xamaas katirsan uu ku jiray Sargaal sare, waxaa sidoo kale howlgalkaasi ku dhintay Askari ciidamada Isra’il katirsan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Toogasho dad badan lagu laayey oo ka dhacday dalka Maraykanka (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Maxay ka dhigan tahay in madaxda dalalka safka hore & DF ay ku shiraan Muqdisho?

Caydiid Ali

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur oo mar kale Maxkamad lasoo taagayo (Akhriso Warqad Cadeyn)

admin
Taboola Ads ---