Allbanaadir.com
NEWS

Israel oo duqeyn ku dishay Munir Al-Maqdah (Sawirro)

Israa’iil ayaa maanta duqeyn ay ka geysatay xaafadda Villa ee magaalada Sidon ee koonfurta Lubnaan, waxaa ay ku dhishay mid ka mid ah saraakiisha sare ee dhaqdhaqaaqa Xoreynta Falastiin ee Fatax garabka Lubnaan, Khaliil Al-Maqdah oo la dhashay hoggaamiyaha garabka Fatax ee Lubnaan, Muniir Al-Maqdah.

Garabka militari ee Fatax oo loogu yeero shuhadada Al Aqsa ayaa ka tacsiyeeyay geerida sarkaalkan, iyadoo xilli horaba lagu sheegay in dilkan uu xiisad ka kicin karo Daanta Galbeed ee la heysto ee Falastiiniyiinta.

Wuxuu dilkan noqonayaa midkii ugu horreeyay oo sarkaal militari oo darajo sare heysto lagu dilo weerar ay geystay Israa’iil oo si dhaqso ah mas’uuliyada weeerarka u sheegatay.

Muniir Al-Maqdah, hoggaamiyaha garabka Lubnaan ee dhaqdhaqaaqa Fatax iyo walaalkiisa maanta la dilay ayaa maalmihii u dambeeyay waxay Israa’iil ku eedeynaysay inay hub iyo walxaha qarxa soo geliyeen dhulka Falastiiniyiinta, taaso aan la caddeyn sida ay ku dhacday.

Dilkan ayaa ku soo aadaya xilli gudaha Lubnaan ay dhaqdhaqaaqyo ka wadaan ururka Xisbullah oo ku hanjabaya inay weerar aargoosi ah oo baaxad weyn ku qaadayaan Israa’iil si ay uga jawaabaan dilkii Bayrut ee hoggaamiyayahoodii militari.

Related posts

Wasiiradda Magacaaban oo bilaabay Olole ay ku raadinayaan Kalsoonida Golaha Shacabka (Sawirro)

Cabdi Cade

Dowlada federaalka Soomaaliya oo ka qeyb galeysa Shir Heer sare ah oo Nairobi ka dhacaya

Cabdi Cade

War deg deg ah: Ciidamo iyo gaadiid dagaal oo caawa la soo dhoobay xarunta dowlada hoose

Caydiid Ali
Taboola Ads ---