Qaraxyo xoogan ayaa caawa laga maqlay aaga Weedow oo ka tirsan degaanada ku teedsan wadada dheer ee isku xirta Muqdisho iyo Afgooye
Dadka degaanka ayaa ku waramay iney maqleen illaa 8 qarax oo waaweyn, iyadoo xaafadaha ku yaalla degaankaas laga dareemayo cabsi, khal khal iyo jahwareer.
Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxyada ay ahaayeen madaafiic hoobiyeyaal ah oo lagu weeraray xeryo ciidan oo ku yaalla duleedka Muqdisho.
Dhowr hoobiye ayaa la sheegay in lagu tuuray xeradii saaka aroortii uu ka dhacay weerarka ismiidaaminta ah oo ku taalla KM-13 taasoo ay maanta booqdeen Taliyeyaasha NISA iyo Booliska Somalia.
Ciidan ka tirsan Al-shabaab oo lug ku socda ayaa lagu soo waramayaa in lagu arkey degaanka Ceelasha Biyaha oo sidoo kale ay ku sugan yihiin ciidamada Dowlada waxaa la soo sheegayaa iney jirto xiisad iyo xaalad cabsi leh.
Lama oga illaa hadda Khasaaraha ka dhashay qaraxyada caawa laga maqlay duleedka Muqdisho oo walaac badan ku abuuray shacabka degaanadaas ku nool. Â Laamaha amniga ayaana illaa & hadda la hadlin.