Allbanaadir.com
NEWS

Ukraine oo weerarkii ugu weynaa ku qaaday Moscow (Sawirro)

Ciidanka Ukraine ayaa maanta weerarkii ugu weynaa taariikhda ku qaaday magaalada Moscow ee caasimadda dalka Ruushka, xilli ay guulo ka gaarayaan duulaan dhinaca dhulka ah oo ay ku gaareen dhul badan oo ku yaalla gudaha Ruushka ee gobolka Kursk.

Wasaaradda Difaaca ee Ruushka ayaa galinkii dambe ee Arbacada maanta war saxaafadeed ka soo baxay waxay  sheegtay in ciidamada difaaca cirka ee Ruushka ay soo rideen 11 diyaaradood oo aan duuliye lahayn oo dul heehaabayey magaalada Moscow iyo gobolka ku xeeran, iyadoo qaarkood la sheegay inay ku soo dhaceen magaalada Podolsk oo 38km koonfur ka xigta aqalka looga arrimiyo Ruushka ee Kremlin-ka.

“Tani waa mid ka mid ah isku daygii ugu weynaa ee abid lagu weeraro Moscow, iyadoo la adeegsanayo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn,” ayuu yiri Duqa magaalada Moscow Sergei Sobyanin  Lama sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay weerarkan oo muujiyay sida uu dagaalka Ruushka iyo Ukraine u galay marxalad xasaasi ah.

Dhinaca kale, Dmitry Medvedev oo ah ku-xigeenka madaxa Golaha ammaanka ee Ruushka, ayaa sheegay in duulaanka Ukraine ee gobolka Kursk ee Ruushka ay ka dhigan tahay in aanay wax wada hadal ah dhexmari doonin Moscow iyo Kyiv ilaa Ukraine laga adkaado.

 

Related posts

Guddoomiyaha Jaaliyada Soomaalida Zwolle C/qaadir Nuune oo looga mahad celiyey.. (Sawirro)

Caydiid Ali

Iran oo xukun dil ah ku fulisay Muwaadin heesta dhalashaa Sweden oo ay kasoo qafaasheen…

Cabdi Cade

Haweeney Sabab Layaab leh u dalbatay Furiin Labo maalin kadib arooskeeda !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---