Dawladda Soomaaliya ayaa ku hanjabtay in dalkeeda ay ka mamnuuci doonto duullimaadyada diyaaradda Ethiopian Airlines 23-ka August 2024, haddii aanay dhowrin madax-bannaainda dhuleed ee Soomaaliya iyo badqabka rakaabka Soomaalida.
Qoraal ka soo baxay Hay’adda Duullimaadyada Rayidka ah ayaa shirkadda Ethiopian Airlines ku eedeeysay inay iska dhago-marisay, adeegsiga magaca Soomaaliya oo beddelkeed ay isticmaasho magacyada garoomada ay ku wajahan tahay oo keliya.
Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in marar badan ay kulammo la yeelatay masuuliyiinta shirkadda si arrintan loo xalliyo laakiin aan wax natiijo ah laga gaarin.
“Haddii aad tixraac u baahataan waxaad fiirin kartaan Application-ka mobileka ama mareegta Ethiopian Airlines,” ayaa lagu yiri farriinta loo diray Addis Ababa.
Sidoo kale, Dawladda Soomaaliya ayaa ku amartay shirkada Imaaraatka Carabta ee Fly Dubai, inay bogageeda rasmiga ah ka saarto magaca Somaliland, oo ay dhawrto madax banaanida Soomaaliya, haddii aysan sidaas sameyna lagala laaban doono dhammaan ruqsadaha ogolaanshaha shaqada ee ay ku howlgasho.
Shirkaddan ayaa dhowaan joojisay duulimaadyadii ay ku iman jirtay Muqdisho hase ahaatee waxay duulimaad ku tagtaa todobaad kasta magaalada Hargeysa ee xarunta Maamulka Somaliland oo sheegta iney ka go’day Soomaaliya inteeda kale.
HOOS KA AKHRISO QORAALKAÂ LOO DIRAY LABADA SHIRKADOOD.