Allbanaadir.com
NEWS

Taliban oo sabab yaab leh Shaqada uga eriday 240 askari

Dawladda Afgaanistaan ee ay hoggaamiyaan ururka Taliban ayaa shaqada ka saartay 280 xubnood oo ka tirsan Booliiska iyo hay’adaha amniga

Waxaa lagu eedeeyey ku guul-darreysteen inay la baxaan garka, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters  oo xiganaysa warbixin ka soo baxday Wasaaradda ka-hortagga xumaanta iyo faafinta wanaagga ee Afgaanistaan.

Isla hay’adan ayaa toddobaadkii hore soo saartay amar faraya xarumaha ganacsiga iyo dadka qaan-gaarka ah inaysan furnaan karin oo aysan bannaanada joogi karin xilliga salaadda

Waxaa la faray inay ku tukadaan masaajidda si ay jameecada qeyb uga noqdaan. iyadoo go’aamadan dhamaman ay soo dhaweyn ka heleen dadweynaha Afgaanistaan, maadaama ay la xiriiraan shareecada Islaamka.

 

Related posts

Dowlada Turkiga oo ka baxday Heshiis Caalami ah iyo Midowga Yurub oo ka carooday

Cabdi Cade

Musaveni oo shaaciyey tirada ciidamadisa looga dilay weerarkii Buulo Mareer

Caydiid Ali

Shirkii Guddiga Farsamada xal u helidda khilaafka Doorashada oo Baydhabo ka furmay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---