Taliyaha Hay’adda sirdoonka iyo nabadsugidda Qaranka Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa tegay xaafadda Arbacow ee deegaanka Ceelasha Biyaha, halkaas oo ciidanka NISA ay saakay ku fashiliyeen labo gaari oo qaraxyo kusoo rareen Al Shabaab.
Qaraxyadan baabuurta loo soo adeegsaday ayaana mid kamid ah la sheegay in ciidanka nabadsugida ka horgeeyeen gaari Cabdi Bille ah sidaasna ku qarxay, halka gaariga kalana ay ka carareen raggii Shabaabka ee la socday kuna qarxay goob cidlo ah .
Taliyaha ciidanka NISA Sanbaloolshe iyo saraakiil kale oo la socotay oo tegay goobihii lagu fashiliyey dhagarta qaraxyada Al Shabaab maleegayeen ayaa warbixin ka dhageystay saraakiisha hoggaamineysa ciidanka ka howlgala aagaasi.
Sanbaloolshe ayaana ku ammaanay ciidamada NISA sida ay uga hortageen qaraxyada Al Shabaab doonayeen in shacabka ku dhibaateeyaan, waxa uuna tacsi u diray askartii qaraxa ku geeriyootay , isaga oo sidoo kale caafimaad u rajeeyay askarta kale ee qaraxa koobaad dhaawacyada kasoo gaareen.
Qaraxyadan saakay ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa la rumeesan yahay in Al Shabaab doonayeen in ay soo galiyaan magaalada Muqdisho ayna weeraro uga geestaan, waxaana fashilinta qaraxyadan noloshooda ku waayay askar katirsan ciidanka NISA.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com