Allbanaadir.com
NEWS

Rag dhibaato ku hayay shacabka Muqdisho oo la qabtay

Ciidamada ammaanka ee ka howlgala degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, ayaa gacanta kusoo dhigay labo nin oo burcad hubeysan ah, kuwaa oo xilliga la qabanayay dhac iyo dhibataooyin kalaba u geesanayay dadka shacabka ah.

Maamulka degmada Wadajir ayaana sheegay in raggan burcada ah ee lasoo qabtay ay wateen qoryo ayna dhacayeen dad shacab ah, waxa ayna sheegeen maamulka in xogta raggan heleen kuna guuleesteen in ay soo qabtaan.

Burcadan hubeysan ayaana lagu wareejiyay ciidamada booliiska qeybta gobolka Banaadir, waxa ayna saraakiisha booliiska sheegeen in burcadan la horgeyn doono caddaaladda si loogu qaado ciqaabta dambiyada ay galeen.

Magaalada Muqdisho waxaa dadka shacabka ah dhibaatooyin ku haya burcad hubeysan, kuwaa oo habeen iyo maalin dhac u geesta dadka shacabka ah, waxaana xusid mudan in burcadan marka la xiro mararka qaar lasoo daao maalmo kaddib.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxkamada Ciidanka qalabka sida oo go’aan ka gartay eedeysanayaal la hor keenay

Caydiid Ali

Muxuu Shiikh Aadan Madoobe kala hadlay Musharaxiinta K/Galbeed (Sawirro)

Caydiid Ali

Golaha Ammaanka ee QM oo isku raacay qaraar ay ku farxeen shacabka Gaza

Cabdi Cade
Taboola Ads ---