Allbanaadir.com
NEWS

Puntland oo beenisay hadal ka soo yeeray Dowlada Somalia

Puntland ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warka ah inay lacag ka badan $6 Milyan oo dollar ka qaadatay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Wasiir ku-xigeenka maaliyadda Soomaaliya Cabdiqafaar Xaange ayaa sheegay in lacagtan uu “madaxweyne Saciid Deni dalbaday in iyadoo caddaan ah si toos ah loogu shubo khasnada maamulka Puntland”.

“Wasaaradda Maaliyadda DFS waxay Dawladda Puntland u wareejisay (fiscal transfer) lacag dhan $6,348,826 ( lix Milyan sedex boqol afartan iyo sideed kun sideed boqol labaatan lix doolar) oo ah kab miisaaniyadeed,” ayuu wasiir Xaange ku yiri qoraal uu soo saaray.

Hase yeeshee waxaa hadalka wasiirka gaashaanka u daruuray wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid dirir oo yiri:

”Been haddii aad sheegeyso wax u eg baa la sheegaa waxaadna hoosta ka xarriiqdaa Puntland xaq ayay u leedahay lacagta kabka ah ee uu Bangiga Adduunka bixiyo, iyada ayaana dalbatay oo codsiga dhiibatay codsigaasna waxaa ku qoran akoonka dowliga ah ee lagu shubayo, shuruudaha Bangigana waxaa ku jiro in lacagta marka hore ay soo marto bangiga dhexe ee dowladda,” ayuu yiri wasiir Maxamuud Caydiid.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Puntland markii ay dalbeneysay kabka misaaniyadda ay dukumiinti ku dalbatay kaas oo uu ku qoran yahay akoonka wasaardda maaliyadda.

Wasiir ku-xigeenka maaliyadda Soomaaliya Cabdiqafaar Xaange waxa uu sheegay

“Waxaa xusid in madaxweynaha Puntland codsaday in lacagahaas caddaanka (cash) toos loogu soo shubo.”

Lacagtan ayaa waxay dowladda u wareejisay Puntland mudaddii u dhaxeysay 2 illaa 3-dii July, sida uu sheegay wasiirka, una dhigan sidan;

2-dii July 2024 waxaa la wareejinay $1,353,000.

3 dii July 2024, waxaa bixiyay $3,500,000.

Halka lacag dhan 1,495,826 la wareejiyay wakhtiyo kala duwan.

Hase yeeshee wasiir Caydiid ayaa sheegay in aysan jirin cid lacag kaash ah ka qaadan karto Bangiga Adduunka.

”Waxaad kale oo aad hoosta ka xariiqdaan lacag Bangiga Adduunka leeyahay cid akoon gaar ah ku dhubi kartaa ma jirto, cid kaash u qaadan kartaana ma jirto haddii sidaas la sameyn karana bangigaas maba uusan jireen marka taas waxay kuu cadeyneysaa in warkan uu yahay hadal been ah oo la sameeyay”.

Wadarta lacagahaas ayaa dhan $6,348,826, waxaana lagu sheegay kab miisaaniyadeed oo si toos ah loo gaarsiiyay khasnadda maamulka Puntland, kadib codsi ka yimid Saciid Cabdullaahi Deni.

Soomaaliya ayaa ah dal wali ku tiirsan kabid dhaqaale oo ay ka helaan caalamka gaar ahaan dalalka caawiya kaas ka mida halbowlayasha dhaqaalaha dalka.

Puntland ayaa ka mid ah maamullada hela saamiga dhaqaale ee ay dowladda dhexe ka hesho caalamka, gaar ahaan kuwa dalalka taageera iyo hay’adaha dhaqaalaha ee Bangiga Adduunka iyo IMF.

Puntland ayaa horay u sheegtay inay hakisay xiriirka dowladda Federaalka ee Soomaaliya ka dib markii ay ku eedeysay inay baal-martay dastuurka federaalka ah ee saxda ah ee dalka.

Puntland ayaa markaasi sheegtay inay u dhaqmayaan “sida dowlad madax bannaan inta laga helayo dowlad wax heshiis lagu yahay oo ay qayb ka yihiin.”

Khilaafka u dhaxeeya Puntland iyo dowladda dhexe ayaa soo bilowday xilligii xukuumaddii Cabdirixmaan Maxamed Faroole, ka dib kala aragti duwanaan ka dhalatay hannaanka wada shaqaynta ilaa xilligaas marnaba ma fiicnayn wada shaqaynta Garoowe iyo Muqdisho sida uu qabo Maxamed Mukhtaar oo arrimaha Soomaaliya ka faallooda wasiirna ka soo noqday dowladda dhexe.

Wadashaqaynta ayaase heerkii ugu hooseyey gaartay muddadii lixda sano ahayd ee ugu danbaysay taas oo ka soo bilaamaysa muddo xilleedkii Madaxweyne Farmaajo.

Xigashp: BBC

Related posts

Qaybta 1 Aad :-Xusuustayda waxqbadkii Xassan Cali Khayre Inta aan Joogay Xafiiska !!

admin

Ra’isul Wasaare Xamse oo ka dhoofay Muqdisho iyo Ujeedka Safarkiisa oo la shaaciyay

Cabdi Cade

Ciidanka Danab oo howlgal ku dilay Sh. Max’ed Suleymaan (Gacameey) & ilaalo la socotay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---