Xildhibaanada golaha shacabka ayaa maanta ka dooday ku noqoshada miisaaniyadda dowladda 2018 oo ay soo gudbisay wasaaradda Maaliyadda.
Kulanka oo uu shir guddoominaayay guddoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha shacabka Mahad Cabdalla Cawad ayaa waxaa soo xaadiray 148 xildhibaan.
Xildhibaanada golaha shacabka ayaa dood dheer ka yeeshay ku noqoshada miisaaniyadda, xildhibaanada ayaa soo bandhigay talooyin ku saabsan noqoshada miisaaniyadda iyo meelaha u baahan sixitaanka.
Sidoo kale xildhibaanada qaar ayaa soo jeediyay in si deg deg ah lagu ansixiyo ku noqoshada miisaaniyadda 2018 oo ay ku jiraan xuquuqda iyo mushaharka ciidamada dowladda.
Wasiirka Maaliyada Federaal Somalia Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle ayaa maanta ka hor sheegay kullanka Golaha shacabka in Wadamadii Soomaaliya taageeri jiray ay hakiyeen taageeradooda dhanka Ciidamada.
Beyle ayaa sheegay inuusan dooneyn inuu ka dhawaajiyo magacyada dalalkaas, balse waxaa uu xusay in Soomaaliya loo baahan yahay in iyadu ay isku tashato isagoo Xildhibaanada Golaha Shacabka ka codsaday in ay ansixiyaan lacag 17 milyan ah oo ay Wasaarada Maaliyada u qorsheysay in ay ku bixiso ciidamada Qaranka Maadaama wadamadii taageeri jiray ay dhaqaalahooda jarteen.
Dood dheer iyo dhageysi talooyinka xildhibaanada ka dib waxaa guddiga maaliyadda la faray in ay ka soo shaqeeyaan arrintaan, kana soo dhigaan qaraar, golaha shacabkana u soo gudbiyaan maalinta Arbacada.
Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa sheegay in golaha shacabka uu arrintan ku wareejiyay guddiga maaliyadda si loogu soo dhigo qaraar.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com