Allbanaadir.com
NEWS

Dagaal khasaaro kala duwan dhaliyay oo ka dhacay duleedka Dhuusomareeb

Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusomareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa sheegaya in deegaan lagu magacaabo Bidhaan Dheere oo kuyaalla duleedka magaalada uu ka dhacay dagaal dhaliyay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Sida aan wararka ku helnay dagaalka ka dhacay Bidhaan Dheere ayaa sababay muran ka dhashay dhul halkaasi kuyaalla oo guri laga dhisayay, waxaana halkaasi isu fara saaray labo maleeshiyo beeleeed oo kasoo kala jeeda dhinacyada dhulka isku heesto.

Inta la xaqiijiyay labo qof ayaa ku dhintay dagaalka dhax maray labada maleeshiyo beeleed, waxaa sidoo kale dagaalka ku dhaawacmay tiro kale, waxaana wali xiisad ka jirtaa deegaanka Bidhaan Dheere uu ka dhacay dagaalka dhiigga ku daatay.

Ciidano katirsan laamaha ammaanka ee Galmudug oo ka baxay magaalada Dhuusomareeb ayaa wararku sheegayaan in ay ku baxeen deegaanka dagaalku ka dhacay, waxa ayna ciidamada isku dayayaan in ay kala dhax galaan dhinacyada dagaallamaya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Guudlaawe iyo Siyaasiyiin Kulan Sanadeed uga qeyb galay Ceellow (Sawirro)

Cabdi Cade

(Sawirro) 4 Mareykan ah oo la afuubtay iyo labo ka mid ah oo Meydadkooda la helay

Caydiid Ali

Burcad baad ka qaadeysay guri la dhisayay oo lagu xiray Degmada Dayniile

Cabdi Cade
Taboola Ads ---