Allbanaadir.com
NEWS

Sirdoonka Soomaaliya oo howlgal ku dilay Maxamed Axmed Dhaqane

Ciidanka hay’adda nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa howlgal qorsheysan ay fuliyeen waxa ay ku dileen sargaal sare oo katirsanaa kooxda Al Shabaab, kaa oo la sheegay in shacabka ka qaadi jiray lacago baad ah.

Howlgal qorsheysan ay ciidanka NISA gaar ahaan kuwa Gaashaan ka fuliyeen deegaanka Busleey ee gobolka Shabeelaha Hoose, ayey ku dileen horjooge Maxamed Axmed Dhaqane oo katirsanaa saraakiisha Al Shabaab, waxaana ninkan la sheegay in ciidanka in muddo ah kudaba jireen.

Sargaalkan katirsanaa Al Shabaab ee dileen ciidanka nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka ayaa la sheegay in Al Shabaab u qaabilsanaa qaadista lacagaha baada iyo xoolaha ay Al Shabaab ugu yeeraan sakada, waxaana ninkan la sheegay in dhibaato badan ku hayay dadka deegaanka.

Ciidanka nabadsugida Soomaaliya ayaa mararka qaar howlgallo qorsheysan oo ka dhan ah kooxda Al Shabaab ka fuliya magaalada Muqdisho iyo deegaanno kale oo dhaca gobolada Shabeelooyinka, howlgalkaasi ayey ciidamada ku beegsadaan xubno katirsan Al Shabaab oo bartilmaameed ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

DEG DEG: Joe Biden oo loo doortay Madaxweynaha 46aad ee Maraykanka

Caydiid Ali

Qarax dhimasho & dhaawac geystay oo ka dhacay Muqdisho & faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Tacadiyadii ka dhacay Dowlada Deegaanka xiligii Cabdi Maxamed Cumar oo la gudbiyay

Cabdi Cade