Kufsi iyo dil arxan darro ahaa oo loo geystay gabar todoba jir ah ayaa caro badan ka dhaliyay dalka Itoobiya, iyadoo dad badan ay ka sii caroodeen xukun lagu riday ninkii ka dambeeyay falka iyaga oo sheegay in yahay mid dabacsan oo aan u dhigmin danbiga.
Gabadha yar oo lagu magacaabo Heaven Awot ayaa waxaa faraxumeeyay, kadibna inta dilay googooyay, Getnet Baye oo ah ninka iska leh guriga ay degan tahay hooyadeed, oo ku yalla magaalada waqooyi-galbeed ee Bahir Dar ee gobolka Axmaarada.
Getnet ayaa lagu xukumay 25 sano oo xarig ah. Kiiska ayaa dad badan dareenkooda soo jiitay kadib markii uu dhawaan ka qaatay xukunkaas racfaa. Kiiska ayaa haatan kiiska dib loo dhigay ilaa bisha October.
Hooyada dhashay gabadha oo lagu magacaabo Abekyelesh Adeba, ayaa BBC-da u sheegtay in tan iyo markii ay nolosha ku faarujisay cunugteedii yarayd ay dareentay ” in noloshu aanay wax qiimo ah u lahayn”.
In ka badan 200,000 oo qof ayaa ilaa hadda saxeexay codsi online ah oo ay ku dalbanayaan in dib loo eego xukunka “si loo muujiyo culayska dambiga” iyo in taageero loo fidiyo hooyada murugaysan.
Mid ka mid ah ururada u dooda xuquuqda haweenka ee ugu waaweyn dalka, oo lagu magacaabo Ururka Qareenada Haweenka Itoobiya loona soo gaabiyo EWLA, ayaa soo saaray bayaan ay ku sheegeen in ay aaminsan yihiin in xukunku uu ahaa “mid aad u fudud”, iyaga oo intaa ku daray “in dilka laftiisu uu ahaa mid ku filan in ninka lagu xukumo xabsi daa’in ama dil… Waa xanuun gaar ah oo aad u daran marka fal-dembiyeedkaas foosha xun iyo kuwa la mid ah lagu kaco carruur”.
Mas’uuliyiin sarsare oo ka tirsan dowladda ayaa ku biiray dadka dhaleeceeyay xukunka iyo falka intaba, iyadoo wasiirka haweenka iyo arrimaha bulshada ee Itoobiya, Ergogie Tesfaye ay boggeeda Facebook ku qortay in dambiyada lagula kacay gabadha yar ay yihiin kuwa ka baxsan bini’aadantinimada, iyadoo sheegtay in xafiiskeedu uu xiriir joogta ah la samayn doono dhinacyada uu khuseeyo.
Falkaan waxashnimada ah ayaa dhaliyay doodo kulul oo ku saabsan badqabka haweenka iyo gabdhaha da’da yar ee Itoobiya.
Sida lagu sheegay warbixin ay bishii May soo saartay hay’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch, xadgudubyada galmada la xiriira ee ka dhasha coolaadaha ayaa “waxay gaareen heerar laga naxo gudaha Itoobiya”.
La xisaabtan la’aanta dembiilayaasha ayaa dadka qaar u arkaan in ay tahay hal arrin oo qayb ka ah faafitaankeeda kiisaska nuucaan ah.
Kumanaan haween iyo gabdho da’yar ah ayaa la sheegay in la kufsaday intii ay socdeen dagaalladii gobolka Tigray ee u dhaxeeyay dawladda Itoobiya iyo ciidamada Tigrayga.
Ka hor intaan la kufsan oo la dilin, gabadha yar ee lagu magacaabi jiray Heaven waxay goobjoog u noqotay kala haadka ku dhacay qoyskeedii.
Aabaheed oo ka soo jeeda qoomiyadda Tigreega, ayaa la xiray muddo bilo ahna ku baryay xabsiintii uu socday dagaalku, Waligii dacwad laguma soo oogin oo maxkamad lama keenin mudadaas.
Markii la sii daayay, wuu isaga sooo tagay gobolka Amxaarada – isaga oo dareensanaa in ay jirto cadaawad shaki lakala qabay, waxaana halkaas ku soo haray gabadha yar ee la dilay iyo hooyadeed oo kaliya.
Hooyada dhashay gabadha yar ayaa waxay sheegtay in ay aamintay ninka gabdheeda kufsday, oo dhinac ka daganaa guriga.
Xitaa waxay si uun qaraabo u ahaayeen xaaska uu qabay ninku.
Markii ay dhibaatada xoogga leh gaareysay gabadha yar, hooyada waxay ku maqneed shaqo, gabadha habaryarteed ayaana la sii joogtay guriga.
Iyada oo guriga la joogta habarteed, ayaa gabadhi yari waxay tiri suuli ayaan usocdaa, balse waa ay soo laabadiiday. Habaryartii ayaa banaanka u soo baxday raadisayna gabadhii, balse ma aysan helin. Markaas ayaa loo maleynayaa in ninku uu gabadha la baxay.
Mar dambe oo maalinkii ah ayaa gabadha meydkeeda waxaa laga helay banaanka hore ee guriga, iyada oo la jarjaray jirkeeda.
Source BBC
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com