Dayuuradaha dagaalka Israa’iil ah ayaa fiidnimadii caawa beegsaday bakhaar hubka lagu keydiyo oo ay Xisbullah ku leedahay dooxada Bekaa ee bariga dalka Lubnaan, sida ay laba ilo-wareedyo ammaan u sheegeen wakaaladda wararka ee Reuters.
Wararka ayaa intaa ku daraya in aysan jirin wax war ah oo ka soo baxay dhinaca khasaaraha ka dhashay duqeyntaas.
Milateriga Israa’iil ayaa sheegay inay beegsadeen bakhaar hub ah oo ay isticmaalayeen kooxda hubaysan ee Xisbullah ee Lubnaan weerar xagga cirka ah, ayna hallkaas ku dileen ugu yaraan 10 qof oo ay ku jiraan laba carruur ah.
Bishii Luulyo, duqeymaha Israa’iil ayaa sidoo kale lala beegsaday bakhaar kale oo ay ku keydsanayeen rasaas ay leeyihiin kooxda ay taageerto Iran ee ku taal magaalada Adloun ee koonfurta Lubnaan.