Allbanaadir.com
NEWS

Imran Khan oo xil sare u tartamaya isagoo xabsi ku jira

Imran Khan Ra’iisul Wasaarihii hore ee Pakistan, ayaa u tartamaya jagada guddoomiyaha Jaamacadda Oxford oo ka mid ah Jaamacadaha la tixgeliyo ee ugu sarreeya caalamka oo ku taalla Ingiriiska

Waa la gudbiyay codsigaas, sida u sheegay kaaliyaha u dhow Sayed Zulfiqar Bukhari oo intaa ku daray “Sida ku cad tilmaamaha Imran Khan, foomkiisa codsiga ah ee doorashada guddoomiyaha Jaamacadda Oxford 2024 waa la gudbiyay, Waxaan rajeyneynaa in qof walba uu taageero ololaha taariikhi ah.” ayuu yiri

Khan waxa uu soo ahaa hoggaamiyaha Pakistan laga soo billaabo 2018 ilaa April 2022, markaasoo   Baarlamaanka ay kalsoonida kala noqdeen Wuxuu ku eedeeyay inay qorsheeyeen militariga Pakistan ee awooda badan.

Waa siyaasiga loogu jecel yahay Pakistan , wuxuu xabsiga ku jiray tan iyo bishii Agoosto ee la soo dhaafay, markaasoo dacwada kala duwan oo lagu eedeeyay uu diidday.

Wuxuu taariikh ku sameeyay isagoo xabsiga ku jira in doorashadii u dambeysay ay ku guuleysteen kuraasta u badan xubnaha xisbigiisa.

Related posts

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay Xasuuqii Israel xalay ka geesatay magaalada Gaza

Cabdi Cade

Faahfaahin: Qaraxyo ka dhacay Kismaayo, taliyeyaal loo xiray & dagaaladii ka dhacay Gaalkacyo

admin

Madaxweyne Ciro oo dhagax dhigay dhismaha Mashruuc weyn

Caydiid Ali
Taboola Ads ---